Mareykanka Oo Waqti Dheeraad Ah Siiyay Soomaalida Bilaa Sharciga Ku Jooga Dalkaas

Washington, (SLpost)- Wasaaradda amniga qaranka ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dadka u dhashay Soomaalida ah ee sharci la’aanta ama sida ku meel-gaadhka ah ku jooga Mareykanka loo ogolaanayo in sharci ku meel-gaadh ah loo kordhiyo muddo 18 bilood ah, arrinta ayaa saamayn ku yeelanaysa dadka Soomaalida ah ee aan haysan sharciga dalka Mareyaknka.USA

Xoghayaha aminga qaranka ee Mareykanka Jeh Johnson ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay in dawladda Mareykanku ay ogolaatay in muddo 18 bilood ah loo kordhiyo sharciga ku meel-gaadh ah ee loo TPS dadka haysta dhalashada Soomaaliga ah ee ku sugan gudaha Mareykanka.

Helista sharcigan ayaa u baahan in la soo buuxiyo codsiyo gaar ah oo loogu talo-galay

Tallaabadan ayaa rajo badan galinaysa dadka sida ku meel-gaadhka ah u joogay Mareykanka

Dawladda Mareykanka ayaa go’aankan ku salaysay xaaladda ka taagan Soomaaliya oo aan imika saamaxaynin in hay’addaha socdaalka ee Mareykanku ay dadka bilaa sharciga ah ku celiyaan waddankoodii ay u dhasheeen.

Somalilandpsot.net