Mareykanka Oo Walaac Ka Muujiyay Guulaha Ururka Daacish

Washington, (SLpost)- Dawladda Mareykanka ayaa qirtay in guulaha ay xooggaga Daacish ka gaadheen magaalooyinka Palmyra iyo Ramadi, ay dhabar-jab ku yihiin dedaalka xulafada.Daacish

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa carrabka ku adkeeyay in Mareykanku aanu ku guul-daraysanaynin dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Daacish ay dad qoorta kaga jartay magaalada Palmyra, ayaa waxa hadda sii xoogaysanaysa khatarta ururkaasi.

Qabsashada Daacish ee magaalada Palmyra ayaa kusoo beegmaysa maalmo, ka dib markii ay gacanta u gashay magaalada muhiimka ah ee ku taalla Ciraaq ee Ramadi.

Guulaha cusub ee ay Daacish gaadhay ayaa su’aal galinaya, waxtarka duqaymaha xulafada Mareykanka iyo ciidammada u badan maleeshiyaadka ee dhulka kula dagaallamaya ururka Daacish.

Arrintan ayaa sii kordhin doonta cadaadis gudaha Mareykanka ka haysta maamulka Obama. Balse iyada oo uu Mareykanku hore u shaaciyay inaanu ciidan lugta ah u diri doonin goobaha ay Daacish haysato, ayaa waxa muuqata inaanay is-bedeli doonin istaraatijiyada uu hadda wado Mareykanku.

Somalilandpost.net