Mareykanka Oo Dalka Cuba Ka Saaraya Liiska Argigixisada

CubaPanama City, (SLP)- Wasiiradda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo dalka Cuba ayaa kulan ay albaabada u xidhan yihiin waxa ay ku yeesheen dalka Panama ka hor intii aanu furmin shirweynaha waddamada loo yaqaano Americas.

Waa kulankii ugu heerka sareeyey ee labada dhinac ay yeeshaan intii ka dambaysay kacdoonkii ka dhacay Cuba in ka badan nus qarni ka hor.

Waxa la rajaynayaa in markii ugu horeysay madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo dhiggiisa Cuba Raul Castro ay si rasmi ah u kulmaan.

Muddo ka hor waxa soo baxay warar sheegaya in wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay ku talisay in Cuba laga saaro liiska waddamada maalgeliya argigixisada.

Bishii December ee sannadkii tagey, madaxwayneyaasha Maraykanka iyo Cuba, Barack Obama iyo Raul Castro ayaa ku dhawaaqay in Maraykanka iyo Cuba ay bilaabi doonaan wada-hadallo, arrimahaas lagu faaqidi doono, isla markaana dib loo soo celiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dal.