Mareykanka Oo Aan Sababayn La Noqoshada Safiir Uu Dhawaan U Magacaabay Soomaaliya

Washington, (SLpost)- Dalka Mareykanka ayaa dib ula noqday safiir uu dhawaan u magacaabay dalka Soomaaliya.Katherine-Simonds-Dhanani1

Madaxweyne Obama ayaa dhawan safiirka Soomaaliya u magacaabay haweenay lagu magacaabo Katherine Simonds oo muddo dheer kazoo shaqaynaysay qaarada Afrika, iyadoo la filayay inay noqoto safiirkii ugu horeeyay muddo 25 sanno ah ka hawl-gala safaaradda Mareykanku ku leeyahay dalka Soomaaliya .

La noqoshada xukuumadda Washington ee safiirkeeda Muqdisho ayaa si cad loo faahfaahin, isla markaana waxa la filayaa inay safiir kale u soo magacaabaan ama ay ka hadlaan sababta keentay xilligan inay dib ula noqdaan masuulkaas.

Somalilandpost.net