Maraykanka Oo Sheegay Inuu Tabobaro Siiyo Jabhada Suuriya

US(SLpost)-Taliyaha ugu sarreeya ciidanka Maraykanka ee jooga bariga dhexe Jenaraal Lloyd Austin ayaa senetka ka hor qirtay in 4 ilaa 5 falaago suuriyaan ah oo maraykanku tababaray ay weli dagaallamayaan.

Sharci dejiyeyaal cadhaysan ayaa ku gacan saydhay oo ku tilmaamay guul darro isku dayga askarta maraykanka ay ku doonayaan inay fallaago ku kiciyaan mintidiinta dawladda islaamiga ee Suuriya.

Kongareeska mareykanka ayaa ansixiyay 500 oo milyan oo doolar oo lagu tababarayo fallaagada Suuriya si ay ula dagaalaan kooxda Khilaafada Islaamka.

Balse 54-kii askari ee ugu horreysay ee ka qalin jebiyay tababarkaasi ayaa bishii July isla markii ay dagaalka galeenba waxaa weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Qaacidda. Qaar ayaa nolasha lagu qabtay oo markii dambe la laayay qaarna waa ay firxadeen.

Xildhibaanada ayaa fajacay markii Jeneraal Austin uu u sheegay in afar ama shan askari oo kaliya oo ka tirsan askartii fallaagada ee mareykanka tababaray in ay haatan dagaalka wali ku jiraan, waxa uuna janaraalka sheegay in aysan jirin qaab looga mira dhalin karo in sanad kastaa la tababaro ku dhawaad 5 kun oo ka tirsan fallaagada.

Arrintani ayaa ah eedeyn weyn oo ka dhan ah istaraatijiyadda madaxweyne Obama ee uu ku doonayo in uu kaga adkaado khooxda khilaafada islaamka iyada oo furunta hore ee dagaalka aan la gaynayn ciidamada mareykanka.

Ruushka ayaa ciidamo badan iyo qalab milatari u dirayay dalka Suuriya, tallaabadaasi oo uu ku sheegay in uu dowladda dalkaasi uga taageerayo dagaalka ka dhanka ah kooxda khilaafada islaamka.

Balse arrintani ayaa walaaca ku haysa saraakiisha mareykanka oo ka cabsi qaba in lagu xoojinayo xukunka Bashaar Al-Asad, xilli la wiiqay awoodda ciidamadiisa oo la kulmayay guul darooyin is daba jog ah.Ruushka waxa uu soo jeediyay wadahal toos ah oo dhex mara milatariga mareykanka iyo kan Ruushka iyo sidoo kale kulammo laga qaato arrintani.Maamulka madaxweyne Obama ayaa ka fiirsanaya hindisahaasi.