Maraykanka Oo sheegay Inay Duqayn Ku Dileen Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab

(SL.Post) Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqeyn todobaadkii hore diyaaradahooda ka fuliyeen deegaan hoostaga Jubbada dhexe ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.

Gaar ahaa Mareykanka ayaa sheegay in duqeytan ka fuliyeen  meel aan ka fogeyn deegaanka saakoow ee ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.

Xog-hayaha difaaca dalka Mareykanka John Kirby,  ayaa sheegay in ciidamadooda ay beegsadeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ku sugnaa gobolka Jubbada Dhexe.

“Waxaan Beegsanay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab , howlgalkaasi waxaa fuliyay diyaaradaheena dagaalka , laakiin ma xaqiijin karo in uu jiro khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.” ayuu yidhi John Kirby.

Howlgalka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa ciidamo ka tirsan dowladda sida laga soo xigtay xog-hayaha difaaca dalka Mareykanka MrKirby.

Laakii warkan laguma cadeynin magaca sarkaalka weerarka lagu dilay.

Ugu danbeyntii, diyaaradaha Mareykanka ayaa inta badan weeraro cirka ah ka fuliya deegaano dhaca Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Jubbooyinka iyo gobolka Gedo oo ay ku xoog badan yihiin Al-shabaab.

 

Somalilandpost.

Source Hiiraan Online.