Maraykanka oo Sheegay in uu Xoojinayo La Dagaalanka Daacish

Washington(SLpost)-Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay sii xoojiyaan duqeynta ay ku hayaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ah ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Obama ayaa sheegay inuu qirsan yahay in dagaalka uu adag yahay loona baahan yahay in horumar deg-deg ah laga sameeyo. Wuxuuna hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay wasaaradda Difaaca Mareykanka ee loo yaqaanno Pentagon-ka.

“Dagaalka lagula jiro kooxda ISIS waa mid adag, balse waan sii wadaynaa inaan guulo ka gaadhno. Ciidamada Mareykanka waxay dileen tiro ka mid ah madaxda sare ee hoggaanka kooxdan haya,” ayuu hadalkiisa ku daray Barack Obama.

Sidoo kale, wuxuu intaas raaciyay inay burburiyeen qaar ka mid ah adeegyada dhaqaalaha ay ka hesho kooxda sida shidaalka. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in xulafada Mareykanka ee dhulka ay kooxda dib uga riixeen deegaanno ka mid ah waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish/ISIS ayaa weji cusub yeeshay kaddib weerarradii ay kooxda ISIS ku qaadday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska iyo magaalada San Bernardino ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in xoghayaha difaaca ee Mareykanka Ash Carter uu u safri doono Bariga Dhexe si uu u raadiyo taageero dheeraad ah oo dhanka militariga ah, si awoodda kooxdan loo wiiqo.

Ugu dambeyn, madaxweyne Barack Obama ayaa xusay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry uu aadayo waddanka Ruushka, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu mideynayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.