Maraykanka Oo Ruushka Uga Digay Taageerada Dawlada Suuriya

US(SLpost)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa uga digay Ruushka inay uga sii dari karaan oo sii daba dheereyn karaan xiisadda ka aloosan Suuriya, haddii ay sii wadaan taageerada ay siiyaan madaxweyne Bashar Al Assad.

Mr. Kerry wuxuu xiisaddan kala hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov oo ay telefoonka ku wada hadleen Talaadadii.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey Ruushka inay sii kordhinayaan joogitaankooda milateri ee Suuriya.

Mr. Kerry wuxuu sheegay in Maraykanku soo dhoweynayo door wax dhisid leh oo Ruushku uu ka qaato sidii looga guulaysan lahaa kooxda Dawladda Islaamiga.

Ruushka ayaa sheegaya inay Suuriya ka caawinayaan dagaalka ay kula jirto Dawladda Islaamiga.