Maraykanka oo markii u horreysay Meel Isugu keenaya Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika oo uu Dalkii Ku marti-qaaday

obama-tour-2013-300x168Washington (SLpost)- Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan dabayaaqadiisa magaalada Washington ee caasimadda u ah waddankaasi marti galin doonto madaxda Qaaradda Afrika.

Qoraal rasmi ah oo uu baahiyey Afhayeenka aqalka cad ee looga arimiyo wadanka Maraykanka Jay Carney  ayaa lagu yidhi, “Aqalka cad wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo in wadanka Maraykanka caasimadiisa Washintong DC marti gallin doonto kulan Maraykanka iyo Madaxweynayaasha Afrika dhex mari doona, kaas oo socon doona bisha August 5 iyo 6, 2014.

Madaxweyne Obama wuxuu u diyaar yahay inuu ku qaabilo Madaxweynayaasha wadamada Qaarada Afrika ee Isugu Iman Doona Caasimada qaranka, si loo xoojiyo xidhiidhka aynu la wadaagno wadamada ugu horeeya aduunka ee dhaqaalohoodu sida xawliga ah u kobcayo.’ Ayaa lagu yidhi war murtiyeedka aqalka cad.”

Obama ayaa u soo diri doona martiqaadka madaxweynayaasha 47 wadan oo Africa ah , kuwaas oo xidhiidh fiicani ka dhexeeyo wadanka Maraykanka , isla markaana aan wax xanibaad ahi ka saarnayn dhinaca Midowga Afrika – xulashadaasina waxay meesha ka saaraysaa oo aan kursi ka helli doonin madaxda wadamada Masar, Zimbabwe iyo Sudan.

Masar ayaa ka reebisteeda lagu sababeeyey awoodda ay maroorsadeen ciidamada Milatarigu, waxaana la sheegay in xanibaadda ka timi dhankaururka Midowga Africa.

Xogaha laga helayo aqalka Cad ee shirkan ku saabsan, ayaa tibaaxaya in maqnaanshaha madaxweynaha Sudan salka ku hayso dacwadda ay ku soo oogtay maxkamada Dambiyada dagaalka ee caalamku ( ICC ).

Maadaama dacwadii la xidhiidhay gabood  faladii ka dhacay 2007 doorashooyinkii Kenya, ee  ay ku naf waayeen kumaankumka qof, oo ay ku soo oogtay maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalku  dib loo dhigay , Madaxweyne Uhur Kenyata , wuxuu isagu si rasmi ah ugu jiraa madaxda ka qayb gallaysa kulankaas.

Kulankan ayaa la rajaynayaa inuu waddada u xaadhi doono horumar laga sameeyo xidhiidhka waddamada Afrika iyo Maraykan ee dhinacyada Maalgashiga iyo Baayac mushtariga., sidoo kalena lagu lafo guro , hanaqaadka arimaha Dimuqraadiyada iyo horumarinta dal iyo dadba..

Wadanka Maraynkanku wuxuu ku doodayaa inaan Kulankan lagu faaqidi doonin wax isaga dani ugu jirto, ee diiradda lagu saari doono sidii wax loola qaban lahaa wadamada Afrika ee horumarka Hiigsanaya.

Badhtamaha sanadkii 2013, oo Madaxweynaha Maraykanku booqasho ku gaalaa bixiyay wadamada Senegal, Koonfur Afrika iyo Tanzaniya, waxa uu ku sheegay hadal uu ka jeediyey dalka Masar in wadamadani horumar la taaban karo ka sameeyeen hanaanka Dimuqraadiyadaynta.

SOMALILANDPOST.NET