Maraykanka oo malaayin doolar dul dhigay Saddex xubnood ka tirsan al-Shabaab

USA(SLPOST)Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in cidda soo sheegta meesha ay joogaan la siin doono abaalmarin lacageed oo dhan $3 milyan doolar.

 

departmentseal-348x180

Waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Westgate mall oo ah goob laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Waxayna kala yihin Abdikadir Mohamed Abdikadir oo loo yaqaano ‘’Ikrima’’, ayaa Wasaaraddu sheegtay in ururka al-Shabaab uu u diiwan geliyo dhalinyarada kusoo biireysa dalka Kenya iyo kuxigenkiisa Jacfar.

Qofka Saddexaad ayaa ah Yaasin Kilwe oo la sheegay in uu yahay amiirka ama madaxa ugu sareeya ururka al-Shabaab al-Shabaab ee ku dhuumaleysanaaya Buuralayda Galgala.

Saddexdaan xubnood ayaa sidoo kale lala xiriirinaaya in ay ku lug lahaayeen weeraro kala oo argagixiisnimo.

Maraykanka ayaa marar badan lacago malaayin doolar dul dhigay saraakiisha ugu muhiimsan kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh kooxda al-Qaacida.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland