Washington, 26 February, 2012 (SLpost)- Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Mrs Hilary Clinton ayaa canbaarayn xooggan u soo jeedisay dawladaha Ruushka iyo shiinaha, iyadoo sheegtay in ay tallaabo fool xun qaadeen, markii ay is hor taageen qorshihii golaha amaanku ku badbaadin lahaa dadka shicibka ah ee ay ciidamada Suuriya gumaadayaan .
Mr Hilary Clinton waxa ay intaas ku dartay in maamulka dalka Maryakanka iyo dawladaha jecel xoryadda iyo demoqraadiyaddu ay diyaar u yihiin in ay cadaadis xoogan saaraan xukuumadda Suurya iyo madaxweynaheeda, isla markaana ka hawl gali doonaan sidii dad shicibka ah ee wadankaasi looga badbaadin lahaa duqeynta axmaqnimada ah.
Geesta kale, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Sucuudiga Mr Sacuud Al-faysal ayaa isna ku dhawaaqey maalintii shalay in dawladdiisu gargaar milatari u bilabayso xooggaga mucaaridka ee ka dagaalama gudaha Suuriya, si loo burburiyo awoodda milatari ee Bashar Al-Asad.
SomalilandPost.net
contact@somalilandpost.net