Maraykanka Oo Canbaareeyey Booqashadii Bashar Al-Asad ee Ruushka

 

Washington(SLpost)-War ka soo baxay aqalka Cad ee mareykanka ayaa si adag loogu cambaareeyay booqashada Madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-Asad uu ku tagay magaalada Moscow ee xarunta waddanka Ruushka.

Maraykanka ayaa waddanka Ruushka ku eedeeyey inay  madaxweynaha Suuriya u fidiyeen rooga cas ee lagu soo dhaweeyo madaxda caalamka.

Afhayeen u hadlay Maraykanka  oo lagu magacaabo Eric Schulz  ayaa sheegay in casuumadda ay Ruushku u fidiyeen madaxweynaha Suuriya carqalad ku tahay qorshaha lagu raadinayo in xal siyaasadeed buuxa laga gaadho dhibaatooyinka ka taagan wadanka Suuriya.

Sidoo kale Maraykanku waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay taageerada balaadhan ee dhanka milatariga ah ee Ruushku la garab taagan yahay madaxweynaha Suuriya Bashar Al Assad.

Tallaabadaasi waxa ay ku tilmaameen inay dhiiri gelineyso dowladda Bishaar Al-Asad, ayna sii dheereyneyso xilliga dagaalka sokeeye iyo wax ay ugu yeedheen “Kordhinta argagixisada”.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Ruushka Mr Putin waxa uu dalalka diidan maamulka Asad ku wargeliyay qodobada ay ka wada hadleen maalin ka ddib booqashadiisa Moscow ee madaxweynaha Suuriya

Mr Putin waxa uu la hadlay boqor Salmaan ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo labaduba ay aad u caawiyaan mucaaradka la dagaallamaya Mr Asad.

Mr Asad waxa uu Ruushka u gudbiyay mahadnaq ballaadhan oo ku saabsan duqeynta  iyo Fara gelinta Ruushka ee dagaalka Suuriya.