Maraykanka Oo Canbaareeyay Rabshadii Dhawaan Ka Dhacay Jabuuti

US(SLpost)-Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa cambaareysay rabshadihii dhawaantan ka dhacay Caasimadda Jabuuti.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay, oo uu kuna saxiixnaa afhayeenka wasaaradda John Kirby, ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti loogu yeeray inay si deg deg ah u sii deyso xubnaha mucaaradka ee la xidhey.

Kirby, ayaa tacsi u direy ehalladii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmey weeraradii iyo rabshadihii hareeyay caasimadda Jabuuti maalmo ka hor.

War-sxafedka ayaa loogu baaqay dowladda Jabuuti inay xushmeyso xaquuqdahadalka ee shacabka Jabuuti iyo golaha iyo ururada nabdeed.

“Waxaan ugu yeedheynaa dowladda Jabuuti iyo siyaasiyiinta inay sameeyaan wada hadal looga fogaado rabshado dhaca mustaqbalka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, kaas oo intaasi ku daray, in mucaaradaka iyo dowladdu ay dib u billaabaan wada hadallada nabdeed si loo xaqiijiyo inay dhacdo doorasho nabad galyo oo cad sanadka 2016.

“Waxanu mar kale xaqiijineynaa taageerada aan u heyno wada hadalladan iyo ballan qaadka dowladda Jabuuti ee ku aaddan xoojinta dowladnimo dhameystiran iyo horrumar,” ayaa lagu soo gaba gabeeyay war-saxafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimmaha dibbada Marykanka.