MARAYKANKA: Murrashaxiinta Xisbiga Dimuqraaddiga oo Dood Adag ka Yeeshay Dagaalka ISIS iyo Madaxweynaha Suuriya

 

Washington (SLpost)- Murrashaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka, ayaa dood adag ka yeeshay qaabka loo waajahayo dagaalka ururka ISIS/Daacish iyo qaddiyadda mustaqbalka xilka madaweynaha waddanka Suuriya Mr. Bashar al-Assad.

Sida lagu faafiyey telefishanka Al-jazeera iyo wakaaladda wararka ee Reuters, murrashaxiinta Xisbiga Dimoqraadiga ee haya talada dalka Maraykanka oo kala ah; haweenayda Hillary Clinton, Bernie Sanders iyo Martin O’Malley oo loo qabtay dood qayb ka ah tartanka ay ugu jiraan murrashaxnimada xisbigooda, ayaa si weyn ugu kala qaybsamay aragtidooda dagaalka ISIS iyo dariiqa loo marayo in xilka lagaga qaado madaxweynaha dalka Suuriya oo Maraykanku si xooggan uga soo horjeedo.

Ugu horreyn, Mrs. Hillary Clinton oo ah xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Bill Clinton, ayaa si adag u weerartay ninka ugu cadcad murrashaxiinta xisbiga loollanku ka dhexeeyo ee Jamhuuriga (The Republican Pary) Mr. Donald Trump, kaasoo hore u soo jeediyey in dadka muslimiinta ah laga mamnuuco dalka Maraykanka, waxayna Hillary ku tilmaantay siyaasigaas nin sameeyey waxyaabo fududaynaya in ururrada argagixisada ee ISIS ugu horrayso ay qortaan dagaalyahanno badan.

“Mr. Donald Trump waxa uu noqonayaa dagaalyahanno shaqaalaysiiyaha ugu fiican ee Ururka ISIS, waxayna doonayaan inay ka dhigtaan fursad ay ku qortaan dagaalyahanno badan oo ay uga faa’iidaystaan in murrashaxa Jamhuurigu ka turjumayo sida loola dagaalamayo dadka muslimiinta ah,” ayey tidhi Hillary Clinton oo safka hore kaga jirta loollanka murrashaxnimada Xisbiga Dimuqraadiga.

Waxa kaloo ay taageertay in si xoog ah xukunka looga tuuro madaxweynaha dalka Suuriya Mr. Bashar Al-assad, waxayna tidhi; “Heli mayno taageero gudaha dhulka Suuriya ah si loo kala dhantaalo dagaalyahannada ISIS, haddii aynaan taageerin kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda ISIS, kuwaasoo sidoo kalena doonaya in xukunka laga tuuro madaxweyne Assad, mana filayo in arrintaas lagu heli karo hannaan diblomaasiyadeed oo ah waxa hadda socda.”

Haseyeeshee, murrashaxa magaciisa Mr. Bernie Sanders oo ah ninka kaalinta labaad ilaa hadda ku jira, ayaa ku dhaliilay haweenayda ka taageerada badan inay doonayso dagaal kale oo ay geliso dalka Maraykanka haddii ay u soo baxdo jagada madaxweynenimo, maadaama ay durba taageerayso in xoog millatari xukunka lagaga tuuro madaxweynaha Suuriya.

“Hillary Clinton (Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanku) waxay aad ugu degdegaysaa beddelka maamulka (regime change), waxana ka muuqata gardarro, iyadoo aan garanayn tallaabooyinka cawaaqim-xumada ah ee ka dhalan kara haddii xukunka laga tuuro madaxweyne Assad,” ayuu yidhi Bernie Sanders.

“Haa, waynu karnaa in laga takhaluso madaxweyne Assad berri, laakiin taasi waxay abuuraysaa in xukunka dalka Suuriya ku dhaco meel madhan ama cidlo ah, taasoo faa’iido u ah ururka ISIS,” ayuu dooddiisa ku sii daray.

Murrashaxiinta Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sidoo kale dood adag ka yeeshay arrimaha ammaanka gudaha Maraykanka iyo waxa laga yeelayo hubka fudud ee lagu iibio gudaha magaalooyinka dalkaas, kuwaasoo ku kala aragti duwan in la soo saaro sharci lagu mamnuucayo iibka hubka oo halis badan ku ah amniga, maadaama ay dalkaas ku badan yihiin dilalka toogashada ah.

Dhinaca kale, waxa durba soo baxday in haweenayda la yidhaah Hillary Clinton ay aad uga sarayso murrashaxiinta kale ee tartanka kula jira, marka la eego codadka ay ka heshay doodaha murrashaxiintu ilaa hadda yeesheen, waxayna haysataa 56.3%, waxaanna ku xiga, kaalinta labaadna ku jira murrashaxa Bernie Sanders oo leh 28.9%, halka uu kaalinta saddexaad ku jiro Martin O’Malley 3.0%.

Geesta kale, xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga, waxa ku dhex tartamaya murrashaxiin badan, waxaanna ilaa hadda ugu cadcad, uguna codad badan cunsuriga la yidhaah Donald Trump, kaasoo ku ololaynaya in muslimiinta laga mamnuuco gudaha dalka Maraykanka.