Maraykanka Iyo Ruushka oo si aan Diyaaradahoodi Isugu Dhicin oo Kaliya uga Heshiiyay Duqaymaha Suuriya

 

 

Moscow(SLpost)-Mareykanka iyo Ruushku waxa ay ku heshiiyeen bayaan isfahan ah si ay u yareeyaan halista kaga imaan karta diyaaradahooda dagaalka inuu shil ka dhex dhaco inta ay dul wareegayaan hawada dalka Suuriya, Balse aan marnaba soo hadal qaadin in ay shicibka Suuriya ee u tudhayaan si duqaymaha looga daayo, sidaa darteed ay uguba heshiiyeen in mid waliba markiisa galo.

 

Tani waxa ay imanaysaa isagoo Mareykanku uu dhowr jeer Ruushka ku eedeeyay duulimaad aan badqab iyo xirfad aan lahayn iyo inay diyaaradaha kale aad ugu soo dhawaanayaan.

 

Ku xigeenka wasiirka difaaca ee Ruushka, Anatoly Antonov, waxa uu sheegay in isfahanka lagu heshiiyay uu labada dal u suuragelinayo inay si nabad ah u fuliyaan howlgalkooda dalka Suuriya.

 

“Waxaan u eegeynaa sida tallaabo wanaagsan, heshiiskan isfahanka ah ee dhexmaray Wasiirka difaaca ee Ruushka iyo waaxda difaaca ee Mareykanka, kaas oo lagu nabadeynaayo duulimaadyada howlgalka Suuriya.” ayuu yiri Mr Antonov.

 

Waxa uu intaa ku daray, “Bayaankan waa u muhiim farsamada aan isticmaaleyno. Waxa ay shuruuc u sameyneysaa hawlgalada ay ka qeybgalayaan diyaaradaha duuliyaha leh iyo kuwa duuliye la’aanta ah ee hawada Suuriya.”

 

Mr Antonov waxa uu intaasi ku daray in xukuumadda Ruushku ay isbeheysiga ka dalbatay wada shaqeyn ballaadhan oo ay ka mid tahay wadaagidda xogta sirta, laakiin waxa uu sheegay in Amerikanka ay diideen arrintaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee labadan quwadood ee adduunka ku dhibi shaxda imika ayaa Suuriya ka dhigtay goob uu mid waliba markiisa ku tijaabiyo awoodiisa iyo saanaddiisa milatari, taasi oo keentay in mid waliba markiisa duqeeyo kooxda uu taabacsan yahay ee uu ka kalena ka soo horjeedo oo markiisa gantaalaha huwinayo. Dunida Islaamka ah ayaa khidaddan iyo kuwa kale oo la mid ahba ay u dhigaan reer galbeed balse awoodda waxa kala wareegi doona dunida Islaamka ah Idamka Rabbi.

 

 

Somalilandpost, 2015