Maraykanka Iyo Ruushka Oo Ka Wada Hadlaya Arrinta Suuriya

Newyork(SLpost)-Wasiirada arrimaha dibadda waddamada Mareykanka iyo Ruushka ee kala ah John Kerry iyo Sergei Lavrov ayaa xalay ku kulmay magaalada New York, iyadoo kulankooduna uu qayb ka yahay dedaalka diblomaasiyadeed ee la doonayo in xal siyaasadeed loogu helo xasaradda ka aloosan dalka Suuriya.

Hubka culus ee Ruushku uu ku daabulayo Suuriya iyo dedaalada ay ku doonayaan in ay dhisaan Xulufo ay hoggaminayaan oo la dagaalanta argagaxisada ayaa ugu hareyn doona wada hadalada ka dhacaya golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Labadani nin ayaa ka wada hadlay sida dhaq-dhaqaaqa militari ee Ruushku ka wado gudaha dalkaasi Suuriya ay saameyn ugu yeelan karto fursadaha la doonayo in xal siyaasadeed loo helo colaadda dalkaasi, sidaasina waxa sheegay sarkaal ka mid ah saraakiisha dalka Mareykanka.

Kulankaasi kaddib ayaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry waxa uu sheegay in xoogaa horumar ah laga gaaray wadahadalka dhex maray isaga iyo dhiggiisa Ruushka.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ruushka iyo Mareykankuba aysan isku si u arkin xal u helidda colaadda dalka Suuriya balse uu ku rajo weyn yahay in arrintaasi uu is badal ku yimaado kaddib marka ay wada kulmaan madaxweyne Putin iyo Obama maanta gelinka dambe

Kal hore ayaa madaxweyne Putin ayaa ku tilmaamay dedaalada Mareykanka uu ku hubeynayo fallaagada ka dhanka ah madaxweyne Asad mid sharci darro ah isla markaana aan miro dhal ahayn.

Dhanka kale, dhaq-dhaqaaqa milatari ee isa sii taraya ee Ruushku ka wado gudaha dalka Suuriya ayaa walaac ku dhaliyay xukumadda Washington.

Balse saraakiisha Ruushka ayaa sheegaya in ujeedadooda ay tahay oo kaliya in ay ka caawiyaan militariga Suuriya dagaalka ay kula jiraan kooxda Khilaafada Islaamka, tallaabadaasi oo loo arko mid xoojinaysa madaxweyne Bashar al Assad oo ay xulufo yihiin.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Bashar Al-Asad ay tahay in uu xilka ka dego balse muddoyinkii dambe waxa ay sheegayeen in xil ka degistiisa ay qayb ka noqon karto istaraatijiyadda mustaqbalka fog.

Hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo kuwa mareykanka ee kala ah Vladimir Putin iyo Barack Obama ayaa lagu wadaa in ay kulmaan maanta oo isniin ah si ay bal isula eegaan suurtagalnimada in ay mowqif mideysan ka qaadan karaan arrinta dalka Suuriya