MARAYKAN: Xubno Iska-casilay Xilal ay Kulmiye ka Hayeen oo ka Gilgishay Deedifayn Madaxda Xisbigu Ka Daba-direen

Denver (OWN)- Guddoomiyihii hore ee gobollada dhexe ee waddanka Maraykanka u qaabbilsanaa Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Khayre Maxamed Axmed oo isaga iyo Xubno kale oo xilal ka hayey Kulmiye toddobaadkan dhammaaday iska casileen Xilalkii ay Xisbigaas ka hayeen, ayaa ka jawaabay Tallaabo ay ku kaceen Hoggaanka Waqooyiga Maraykanka ee Kulmiye oo sheegay inaanay Xubnaha is-casilay kaba mid ahayn Xisbiga.

masuuliyiinta Kulmiye North AmericaKhayre Maxamed Axmed oo isaga oo ku sugan magaalada Denver gobolka Colorado ee waddanka Maraykanka, ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta qaarkeed u warramay, ayaa sheegay in tallaabada ay kula kaceen Maamulka Kulmiye ee Waqooyiga Maraykanka oo uu xusay inta ay Dad Suuqa Laaluush kaga soo ururiyeen jawaab uga dhigay is-casilaadda Masuuliyiinta uu ka midka yahay ee ka tashaday Kulmiye inay yidhaahdaan ama ku tilmaamaan Dad aan marka hore-ba Xisbiga ku jirin ama ka mid ahayn. Balse, Khayre ayaa ku dooday in Ragga iska casilay xilalkii ay Kulmiye Maraykanka uga hayeen ay qaarkood illaa 2002-dii markii Xisbiga la aasaasay ay Xubno ka ahaayeen, xilal kala duwanna ka soo qabteen Kulmiye.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa War la isu soo ururiyey oo lagu beenaynayo Masiirkii iyo Aayihii ay ka tashadeen Aqoonyahaniin farabadan oo ku dhaqan dalka Maraykanka, waxaan Saxaafadda ku hambalyeynayaa xaqiiqada ay tebiyaan, iyaga oo ah Muraayadda dimuquraadiyadda ee laga dheehan karo Somaliland halkay maanta marayso. Shirkaa ay isugu yimaaddeen Ninkaa uu adeerka u yahay Madaxweynaha maanta talada dalka haya (Axmed-Siilaanyo) ee lagu soo qaban-qaabiyey ee la sheegayo in lagu qabtay Minisota. Aniga oo ah Khayre Maxamed Axmed oo Inaadeerkii ah oo Nin reer Caynabo ah, waxaan caddaynayaa in Warkaasi wax ka jiraa aanu jirin. Xafiisyadii Xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga Maraykankuna ay maanta haawanayaan, taasi oo ay ugu wacnayd baahi iyo isafgarasho waa u horseedday inay dadku kala dareeraan. Xisbiga talada dalka maanta haya ee Kulmiye ceebtii maaha ee waa Caadadii in Dad ka tashaday oo faraha kala baxay hawshii ay Xisbigaa ka hayeen in la cambaareeyo oo la shaabbadeeyo, waana mid aannu ka soo horjeedno.” Sidaa ayuu yidhi Khayre Maxamed Axmed.

kheyreKhayre oo sii wata naqdiga Masuulka Kulmiye u hadlay iyo doodda jaban ee go’aankooda lagaga jawaabay, waxa uu yidhi; “Waxaannu u bayaaminaynaa oo aannu u caddaynaynaa Bulshada Nimankaa is casilay ee xilalka hayey ee masuuliyiinta ahaa ee aan ka midka ahay haddii ain lannaann cudud iyo xoog iyo xininyo ku lahayn maanta Maraykanka waa la wada joogaa, waa la is-yaqaannaa. Laakiin, inta la soo cararo oo afar aannaan garanaynini ay meel ku shiraan, shir aan sharci ahayn, in la yidhaahdo Nimankaasi kamay mid ahayn Kulmiye waa shay xaaraan ah, Dadnimada ma qabato, Jiritaanka Aadamaha ma qabato, waxa weeyaan go’aan koox yar oo meel isugu timi ay doonayaan inay Masiir umaddeed kaga hadlaan.

Guddoomiyihii hore ee gobollada dhexe ee Maraykanka u qaabbilsanaa Kulmiye Khayre Maxamed Axmed, waxa uu sheegay in go’aanka Xubnahan iska casilay Kulmiye ee uu ka midka yahay badi dunida laga dareemay, balse Jawaabta Kulmiye ka bixiyey ee dafiraadda ahi tahay wax aad loola yaabo oo aanay iyaga laftoodu filayn beenta intaas le’eg, waxaanu yidhi; “Go’aankayagaas oo meelkasta iyo Maraykan-ba laga dareemay, oo gilgilay oo in badan ay ka fikirayeen oo ay nuxnux wadeen, taasi waxaannu aqbalayno oo oggolaanayno maaha. Waxa kale oo aan caddaynayaa Aniga oo Guddoomiyihii hore ee Kulmiye ee gobollada dhexe ee Maraykanka ah Khayre Maxamed Axmed, Nimankaasi waxay sheegeen in gacan shisheeye ka dambayso, ma rabno in Asxaabta sharafta badan leh wax laga sheego, oo la dhalliilo oo ceeb, eed iyo xasarad aanay geyin loo soo jeediyo.”

“Ceebtaa ma gayaan baannu leenahay Asxaabta Qaranka ee Waddani iyo UCID ka mid yihiin ee Nimanka kale ee danaha gaarka ah leh ee Xisbiga ku jiraa ka mid yihiin. Waxaan leeyahay nimanka la soo qorqoray ee la leeyahay gobollo ayey metelaan, Annagu cududdayada iyo taageeradayada ayaannu muujinaynaa oo dhaqso ayaannu u muujinaynaa waanannu tusaynaa. Waxaanan leeyahay haddii waxaad sheegaysaan oo ah inaannaan Annagu Xisbiga ka mid ahayn oo aannaan u soo halgamin dhab idinka tahay oo aannaan dhiiggayaga iyo dhaqaalahayaga u soo hurin bal waxaad haysaan maanta sheega oo soo bandhiga ha na odhannina Nimankaasi Xisbiga kamay mid ahayne.” Sidaa ayuu yidhi Khayre.

Gebo-gabadii Khayre Maxamed Axmed, waxa uu soo bandhigay Magacyada Xubnaha iyaguna xilalkii ay Xisbigaas ka hayeen ee is-casilay oo uu Qof Qof u sheegay, isaga oo soo jeediyey in Reer Kulmiye ka waantoobaan in Bulshada la marin-habaabiyo, waxaanu yidhi; “Haddii la leeyahay Cabdisamad Maxamed Axmed (Baraashadda) oo ah Nin Laascaanood ka soo jeeda oo Xilal badan ka soo qabtay Xisbiga Kulmiye oo illaa 2002-dii ka mid ahaa, aad dafiraysaan idinkaa sheegi, Beeshiisaa ka jawaabi, Annagu maanta Maraykan baannu joognaaye. Haddii la leeyahay, Warsame Xaaji Cabdi KULMIYE kamuu mid ahayn waa Nin Reer Berbera ahe, Macal-cune soo bixi doonaa.”

“Haddii Aniga la I leeyahay oo Khayre Maxamed Axmed ah oo Nin reer Caynabo ah oo Raggaa maanta meesha la isugu keenay ee Laaluushka Dadka ku soo ururinaya Goobaha Bunka laga cabbo Ninkaas bay isku reer yihiine Beeshiisa ayaa ka jawaabi oo odhan doona Inankayagu Kulmiye wuu ahaa ama muu ahayn. Haddii la leeyahay Eng. Farxaan Xisbiga Kulmiye kamuu mid ahayn, Afhayeenna kamuu ahayn taariikhdaa jawaabi doonta. Waxaan leeyahay hallaga waantoobo in meel la isugu yimaaddo oo masiir Shacab la marin-habaabiyo oo Dadka been laga sheego.” Sidaa ayuu yidhi Khayre Maxamed Axmed.

Guddoomiyeyaashii Garabyada Haweenka & Dhalinyarada, Afhayeenkii Xisbiga iyo tiradaba dhowr ka mid ah Guddoomiyeyaashii Xafiisyada uu Xisbigu ku leeyahay gobollada Maraykanka, ayaa Toddobaadkii hore iska casilay xilalka ay Xisbigaas ka hayeen, isla markaana sababta iscasilaaddooda ku macneeyey khilaaf iyo maamul-xumo ragaadiyey Xisbiga hoggaankiisa sare ee Maraykanka oo Madaxda Xisbiguna waxba ka qaban-waayeen, ka dib markii xal la gaadhi waayeyna ay go’aansadeen sida ay sheegeen inay ka tashadaan Xisbigaas Xilalka ay u hayeen, sidaasna ay isku casileen maalmihii toddobaadkan dhammaaday.