MARAYKAN: Tirada Dadka Gacmahooda Isku khaarajiya oo Heerkii ugu Sarreeyey Maraya iyo Walaaca laga Qabo Korodhka Shacabka dalkaas oo hoos-u-dhac ku yimaaddo

Washington (SLpost)- Waddanka Maraykanka oo ah dalka ugu dhaqaale badan caalamka, waxa kordhay isla markaana heerkii u sarreeyey maraya tirada dadka Cudurka Isku-buuqu ku dhaco ee marka dambe gacantooda isku-dila.

Laba sanno ka hor, dhimashada ku timaadda qof gacantiisa isku-dilay, ayaa ahaa sababta ugu badan ee ay ku timaaddo geerida dadka Maraykanka, taas oo ka badnayd dadka ku dhinta shilalka gaadiidka, sida lagu sheegya war-bixin dhawaan soo baxday oo sheegaysa in ragga iyo dumarka da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 64 ay u badan yihiin Dadka gacantooda Isku-khaarajiya, waxaana falkan ugu dambeeyey Jilaagii caanka ku ahaa Aflaamta Hollywood ee Robin Williams oo dhowaan maydkiisa laga helay gurigiisa dhexdiisa.

SuicideRatesNatiijada warbixintan oo maanta lagu daabacay warbaahinta dalka Maraykanka intooda badan, ayaa lagu sheegay in heerka dhimashada ku timaadda Dadka Is-dila ay tiradoodu afar sannadood ka hor ahayd 38,364 qof marka la barbar dhigo dadkii ku dhintay shilalka gaadiidka xilligaas oo tiradoodu ahayd 33,687, taas oo walaac badan ku abuurtay khubarada warbixintan diyaariyey.

Ragga iyo dumarka da’doodu meel-dhexaadka tahay, ayaa ugu badan heerka dhimashada is-dila oo tiradoodu kor u kacday boqolkii 28.4 muddo toban sanno ah gudahood, waxase ay warbixintu xustay inay ugu badan yihiin falka ragga da’doodu tahay Kontomeeyaha, taas oo korodhay boqolkii 50 ilaa sannadkii 1999-kii. Waxa kale oo lagu xusay in 30 ka mid ah 100,0000 ee ragga u dhashay Maraykanka ee da’doodu tahay kontomeeyaha, ay iyagu gacantooda isku dilaan.

Lama oga sababaha keenay kor-u-kacan, haseyeeshe waxa la aaminsan yahay inay qayb laxaad leh ka qaataan Kiniinnada la qaato. Waxa kale oo si laxaad leh uga qayb-qaata isla markaana u badan dadka is-dilaya oo inta badan isticmaala sun si ay dhib yaraan ugu dhintaan.

Waxa kale oo ay warbixintu xustay in cadaadiska dhinaca dhaqaaluhu qayb ka yahay sababaha ay dadku isku-dilayaan, waxaanay khubaradu warbixintooda ku soo gunaanadaan in dalka Maraykanku boqolka sanno ee soo socda qarka u saaran yahay tafiir-go’ ku yimaadda dadweynaha Maraykanka oo wakhtigan tiradoodu kor u dhaafayso 300 Milyan, isla markaana kaalinta saddexaad ka jira waddamada dunida marka loo eego xagga tirada dadweynaha ku nool.

Marka laga yimaaddo baadhitannada lagu shaaciyey dhacdooyinka oo dadka ay la soo gudboonaanayso ama laga soo tabinayaa yihiin Dad Kiristaan ah ama Aan Diinba aaminsanayn, haddana maaha dhacdo lagu arko Dunnida Islaamka, maadaama oo diinteenna Suubbani xaaraan-timaysay isla markaan lagu sheegay ciqaabta uu qofku mudanayo haddii uu naftiisa Micno la’aan dhaawac ugu geysto, iska ba daa inuu Qudha isaga jaro’.

 

SOMALILANDPOST.NET