Maraykan oo Xaalad Amaan u Adkaynaya Galista Dalkiisa 

Washington(SLpost)-Kaddib, weerarkii Paris iyo California ka kala dhacay ee dhimashada badan sababay ayaa keenay in madaxda Mareykanka ay soo jeediyaan laba hab oo dadka u ogolaanaya inay ku galaan dalka Mareykanka.

Hababkan mid ka mid ah ayaa ah is-beddel lagu sameeyo dal-ku-galka ‘Visa’ loo yaqaan K-1 oo ah midkii ay dalka Mareykanka kusoo gashay Tashfeen Malik oo weearkii magaalada San Bernardino ee California ku lug lahayd. Fiisaha noocan ah ayaa waxaa sannad kasta ku gala Mareykanka 25,000 oo qof oo diyaar u ah guurka muwaadiniin Mareykan ah.

Sidoo kale, habka labaad ayaa ah barnaamijka dadka ka imaanaya 38-waddan oo caalamka ku yaalla u ogolaanaya inay fiiso la’aan soo galaan Mareykanka ee loo yaqaan Visa Wiaver Program, taasoo ay ku joogi karaan Mareykanka muddo 90-maalmood ah.

“Waa inaan baadhitaanno dheeraad ah ku sameynaa fiisayaasha ay wataan dadka soo galaya Mareykanka ee aan laga doonayn inay fiiso sii dalbadaan, sidaa awgeed waxaanu eegmo qoto-dheer ku sameyn doonaa inay dadkaasi u safreen dalal ay dagaallo ka socdaan iyo in kale,” ayuu yidhi madaxweyne Mareykanka Obama oo khudbad habeenkii axadda u jedinayay shacabka Mareykanka.

Obama ayaa hoosta ka xariiqay in xubno ka mid ah Aqalka Congress-ka Mareykanka ay kala shaqeynayaan in arrintan la hirgeliyo, si looga fogaado in waddanka Mareyanka ay soo galaan dadka ku lug leh falalka argagaxisnimo ee calaamka ka dhacaya.

Ugu dambeyn, Sannadkii 2013-kii ayaa waxaa dalka Mareykanka fiiso la’aan ku galay dad tiradooda lagu sheegay 21.2-milyan oo qof, ka ahaa 39% guud ahaan dadka Mareykanka u yimaada dalxiiska iyo ganacsiga.

Tallaabadan ayuu madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ku sheegay inay tahay mid ay ku xoojinayaan ammaanka shacabka iyo Mareykanka, iyadoo tani ay saameyn xooggan ku yeelan doonto muwaadiniin badan oo ka yimaada dalalka ku yaalla Galbeedka caalamka oo Qaaradda Yurub u badan.