Mar kale Nin Lagu Qabtay Isaga Oo Neef Dhiiga Ka Jaqaaya Gobalka Togdheer

Burco(SLppst)-Deegaanka Balihiile ee gobalka Togdheer ayaa lagu qabtay nin la sheegay inuu xoolaha ka jaqaayay dhiiga.

12507503_1182205121809566_6202637880486533107_n

Ninkan ayaa lagu hayaa meel lagu xabisay oo tuuladaas ka mid ah waxaanay dadka deegaanku sheegeen inay iyagu ku arkeen eedaysanahayn oo jaqaayay dhiiga neef adhi ah, gobalada Togdheer iyo Sool ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay hadal haynta ugu badan ay tahay dhiig neef laga jaqay iyo ilama yar oo la gawracay.

Wali xukuumada Somaliland ayaan qaadin talaabooyin ay wax kaga qabnayso dhibaatooyinka la soo darsaaya dadka deegaanadaas ku dhaqan.