“Mar hadday xukuumaddu ku fashilanay hawlihii umaddu u dooratay waa inay is casishaa”

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo shalay masuuliyiin ka tirsani shir- jaraa’id ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa xukuumadda KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey in ay ka gaabisay sidii ay u xalin lahayd caqabadihii soo wajahay shirkadda shidaalka baadhaysay oo ay sheegeen in ay amakaag iyo fajiciso ku noqotay bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Masuuliyiintan oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Xisbiga Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, guddoomiyaha guddida Arrimaha Debadda ee xisbiga WADDANI Dr Maxamed Cismaan Fadal, Afhayeenka Xisbiga Ibraahim Mahdi Buubaa, Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali iyo Xubno kale, ayaa waxa ugu horreyn halkaas ka hadlay Dr Maxamed Cismaan Fadal oo sheegy inay amakaag ku noqotay bulshada Somaliland bixitaanka Shirkadda Genel Energy ee hawlaha sahanka Shidaal ka wadday gobollada Bari ee dalka.

“Argagax bey runtii umadda ku noqotey iyada oo aan wax wara lahaynin lana ogayn wax dhibaata ah oo jirey in mar qudha layidhaahdo shirkadii Genel Energy ee gobalada Bari shidaalka ka baadhaysay, dadka gobaladaas joogayna ay wacyi galin balaadhan u diyaariyeen in hadana mar qudha uun la maqlo shirkadaasi way ka baxday oo alaabteedii waa ay guratey, xukuumadduna ilaa hadda arrintaa wax ay kaga jawaabtey lama hayo, waana inay shacbiga usoo bandhigtaa sababta keentey bixitaanka shirkaddan shidaalka baadhaysay,” ayuu yidhi Dr Maxamed Fadal.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxa uu Dr Fadal wax laga murugoodo ku tilmaamay dadkii muwaadiniinta ahaa ee ka hawl galayey iyo waliba cid kasta oo ay wax ka galeen  hawlaha Baadhista Shidaalka, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka xunnahay kana tacsiyadeynaynaa dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaadka iyo saamigu ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka shaqaynayey, xukuumaddana waxaanu usoo jeedinaynaa inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah.”

Masuuliyiintani waxa ay dhinaca kale ku eedeeyeen wasaaradda Duulista iyo Hawadu in ay ku fashilantey adeeggii ay dadka socdaalka ah u haysay, garoonkii cusbaana aanay wax duulimaadyo ahi ka socon isla markaana shaqadii garoonka ee malaayiinku ku baxeen ay noqotay hal bacaad lagu lisay.

Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali oo ka tirsan gudida arrimaha dibada ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo  arrimahaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “In diyaaradihii caalamiga ahaa iman waayaan garoonkii diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxay cadaynaysaa in dhismihii garoonka laga waday muddada labada sanno ahi fashilmay, hantidii loogu talogalayna la lunsaday, waxaanu leenahay wasaarada Duulista iyo Hawadu waa ay ku guuldaraysatay adeegii ay bulshada u haysay oo waa taa maanta dhibaatadu  haysato dadkii socdaalka ahaa ee saddexda cisho ku xanibanyihiin Hargeysa, wasaaradda duulistuna u diiday diyaaradihi inay fadhiistaan garoomada kale ee dalka si ay u dambabasaan fashilaadda ku timi dhismihii garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, mar haday xukuumaddu ku fashilanay hawlihii umaddu u dooratay waa inay is casishaa,”ayuu yidhi Dr Cabdirashiid

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net