Maqnaanta Idaacada qaranka Munaaasibada Qaranimada 18 may Iyo Aamusnaaanta Madaxweynaha Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe

WAA KAA ISBADALKII CUSBAAYEED ONKA UQABTEN

HAYEESHEE ISKA RIYAAQIDA IYO OORSIGA HADHOWTO

ABIDKIINBA WAA WAX CAADADIIN AH IYO REYN REYNE

ADUUNBAANA FALA KIISKAAD KA ASHKATOOTAANE

(waa erayadii alle caafimaad iyo cimri dheer hasiiyee C/raxmaan Cumar Cashuur)

 

Gujirba iyadoon gaadhin bay gobnowdee  maxaa xukuumadii iyo madaxweynii aamusiiyey ma waxay ka naxeen 2 dii malyan ,ma waxay la ga gabsanyiin gubashada idaacadii weyneyd mise garaadkaa la tuujinayaa sidii meel loogu moosi  lahaa  ee ceebta saaran wiilashii hantida qaranka lunsadey ee looga duwilahaa ayaa laga fikirayaa Bal adba? Qormadan waxaan kaga hadlayaa dhibta  meesha taal ee ilaa hada cid  wax ka qabatey iyo cid wax ka tidhi toona jirin.

download

Agaasimaha farsamada ee wasaarada war faafinta iyo wacyigalintu khiyaamooyinkii uu sameeyey waxa ka mida markii lagu tashadey in qaranka loosoo iibiyo Idaacad Caalamiya oo meelkasta gaadha ee laysla qaatey waxa uu sameeyey si ay ugu suurto gasho inuu helo lacag ama sameeyo habka ugu fudud ee uu wax umajara habaabinkaro waxa uu sameeyey kana dhaadhiciyey xubnihii kale ee ay israaci lahaa yeen inuu ka sii hor maro caqli xuadooda ismay weydiin waana halka ay sartu ka qudhantey  waanay la qaateen xubnahaa oo uu ka mid ahaa Agaasimihii hore ee wasaarada Feysal cali sheikh .

 

images (2)

Ina Saleeban Wayne Markii Idaacada Loo diray waxa UU ka horeeyay xubnaha Loogu talogalay inay La soo iibiyaan Idaacada Iyo Qalabkeeda,intaa Ka Dib waxa uu Soo Iibiyay Idaacad laga Baxay Oo Gabawday Oo Uu Lacag yar soo Siiyay Intiin Kalena Jeebka ayuu Ku shubtay waayo way usuurta gashey ,waxa uu gaar usoo iibiyey warla liyaha magac gooniya le meelkaloo xaraashla ah waxa uu ka soo iibiyey sadex aanteeno oo iyaguna ka magac duwan waxaa kaluu soo iibiyey rikoodh isna meel kaloo xaraashla ah laga soo iibiyey waxa uu ku sii darey mikirifoono iyo mixer aan iyaguna la nooc aheyn oo aan islaba jaan qaadi Karin ilayn waa qalab jaabo jaabo ahe  ka dib nimankii kale ee uu ka mid ahaa feysal cali sheikh ayaa iyana ka daba tagey oo aan wax ay ku kordhinayaan jirin.Hadii la doonaayo inaan qaranka la dhicin oo la soo iibiyo Idaacad tayo le waxa ilaa hada jooga Eng idaacada Radio Hargeysa ilaahey caafimaad hasiiyo taama Mudane Eng Siciid Caseyr oo Aqoontiisa Farsomo eng neer ee Idaacadeed ku soo Qaatey dalka jarmalka oo Mudo ah 30 sano ahaa idaacada aanu jirin na nin ku dhow xataa oo laga helayo Somaliland marka laga reebo da yarta hada jaamacadaa dhigata oo goor ay imanba cidi aqoon maxaa loo kaxayn waayey ileyn isagaa uga aqoon badan ilaa Jaynihii la keeney ee qalabka mac ma laayee markaa waxaa loo badheedhey in hantidaa la lunsado.

images

Madaxweyne wali kamaad hadal hantidaa la lunsadey ee uu dhacay axmed saleban weyne waxaa soo socota munaasibadii 18 May oo la rabo  Inaad kaga hadasho qadiyada madax banaanida Somaliland oo ay sugayaan 5 milyan oo reer Somaliland oo ku kala nool qaaradaa dunida waliba ku wa ubaahan inay qudbadaada dhageystaan waa ku wa Dalka jooga iyo qaarada Africa . Wakhtigii aad madax tinimada wadanka la wareegtey ee lagu dhaarinaayey kitaabka quraanka ayaad gacanta saartey waxaanad ku dhaaratey inaad Dalka iyo Dadkaba aad cadaalad ku maamuleyso Lamana arko Cadaaladii iyo Kitaabkii aad gacanta saartey oo adaaba wasaaradan warfaafinta iyo wacyigalinta horseed u ah qaska iyo cadaalad darada laga soo bilaabo  29/08/2012 oo aad ugu talo gashey in sidii ladoono laga yeelo oo aad baabiisey wasaarada war faafinta uguna talo gashey in ay baaba do wasaaradu xisaabtan la aantan maanta timi ay usuurto gashey waxaan qabaa mudane madax weyne inaad ogaatey halka ay dhibtu ku dabo Leedey oo aad u xilqaranayso wiilasha ka soo jeeda beeshaada waa la ogeyey mudane madaxweyne inaanad musuqmaasuq waaligaa sameynin balse aad noqotey madaxweynaha kaliya ee qabyaalad owgeed lacagta qarankee la lunsadey waxba ka odhan waayey waxaanan madaxweyne ku waydiinayaa bal su aalo adiga iyo inata kula garaadka ah ee ku garabjoogtaba ah inay ka jawaabaan.

861927_479412785458505_778411872_n

 

1-   Mudane madaxweyne miyaad ilowdey kitaabkii Quraanka kariimka ah ee aad ku dhaaratey?

2-   Madaxweyne munaasibada 18 may ma waxaad dooneysaa inaad la dabaal dagto dadka magaalada hargeysa kula jooga waayo waxaa shaqeyneysa Idaacada FM oo aan hargeysa dhaafin?

3-   Ma wax fudud ayaad u aragtaa Gubashada Idaacada ?

4-   Miyaaney idaacadani ahaeyn wax yaabihii aad goobo badan kaga faantey inaad dalka keenteen idaacad dalka oo dhan iyo dibadaba gaadha?

5-   Maxaa ilaa hada haayadaha arintan ku shaqo lihi uga hadli waayeen masuuliyiintii ay gacantooda idaacadu ku gbatey mise waxaad dhaafi weydey sharcigii beelnimo?.

 

Mudane madax weyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) marnaba in araintan oo kale iyo arimo lamida inaad ka aamusto may aheyn waxaanan dhawaan soo gudbin doonaa lacagaha kale ee wasaarada dibad iyo gudaba la lunsado oo sanadkii Gaadheysa 455,000 $ oo siyaabo kala duwan loo lunsado waxaana kaloo intaa aad maqleysey cadaalad xumada wasaarada ka jirta ee shaqaala weynaha dad maamul ah oo fara ku tirisi ay wadaan  oo ku soo gaadhey maalin aan maanta aheyna lagu waydiin doono waxaanan ku soo gaba gabeynayaa murtidan oo aan filaayo inuu madaxweyne siilaanyo xusuusan doono waana gabaygii Gudgude ee Abwaankeenii waynaa ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi waxaana ka mid ahaa:

 

Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye

 

Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin
Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane
Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye
Si aad uga go’daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha
Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin
Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin
Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin

Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso
geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo
Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo.
Cir gadoodey, dirir gaamur da’ay, galayax waalaystay,
Onkodkoo gariirkii ka baxay , galowgu yaab yaabay,

DHamaad

GUUL ALLE