Manchester City oo Old Trafford ugu Quus-Goysay Kooxda Xafiiltanku ka Dhexeeuyo ee United

Kooxda Manchester City ayaa ku guulaysatay inay khasab kaga dhigto kooxda ay sida weyn u ficiltamaan ee Manchester United inay wali sii quudarayso dabaal degga guusha Horyaalnimada Premier League, kadib markii ciyaar maryo dhiigleh la kala furtay ay guul 2 iyo 1 ah kala caraabeen garoonka Old Trafford, kooxda tababare Sir Alex Ferguson-na dhibcihii ay hogaanka ku haysay lagu soo koobay 12 dhibcood.

MILERCity ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay , darbad xoog badan oo ka baxday lugta James Milner markii ay si qurux badan u weydaaratay gool haye David de Gea, ka hor intii aan gool uu iska dhaliyey daafaca Vincent Kompany United ku soo celin awood qaybsiga ciyaarta.

Laakiin kooxda martida ahayd,oo weerarkeedu aanu kala go’lahayn ayaa markale ku noqotay gacan saraynta, kadib markii wiilka reer Argentina ee Sergio Aguero oo bedel kusoo galay kubad uu la dhex qaaday  difaacyahanada shayaadiinta cas-cas, uu si kalsooni badan leh aadna u qurux badan  xaga kore ee dhinaca bidix ee shabaqa ugu gilgillay.

IHN SPT 080413-56Manchester  United oo 31 kulan oo ay horyaalka ciyaartay 25 kamid ah guul ka gaadhay, 4 kulan oo kaliyana laga badiyay, barbar dhacna gashay 2 kulan, ayaa dagaal ugu jirtay sidii ay markii 20 aad ugu dabaal deggi lahayd horyaalnimada kooxaha Ingiriiska.

Halka kooxda Man City, 31 ka kulan ee ay ciyaartay ay barbardhac gashay 8 kamid ah , 4 kulan oo kaliyana la kulantay qadhaadhka guuldaradda si lamid ah dhigeeda maryaha cas-cas leh.

SOMALILANDPOST.NET