Malleeshiyo ka tirsan Nabad-diidka Buuhoodle oo Xalay la soo Dhoobay Jiidda hore iyo Ciiddamada Qaranka oo Heegan Culus la Galiyey

Horufadhi (SLpost) – Malleeshiyadda Nabad diidka ah ee Buuhoodle ayaa Saqdii Dhexe ee Xalay Ciiddamo soo dhoobay Deegaa nka Shan-galle oo u dhexeeya Fadhiisinka Ciiddamada Qaranka ee Sool-joogto iyo Magaalada Buuhoodle.
Ciiddamadan oo ilaa shalay la soo abaabulayay ayaa laga soo ururiyey degaanadda Hor-u-fadhi iyo Buuhoodle, halkaas oo xalay saqdii dhexe ay ka soo tallaabeen soohdintii u dhaxaysay labada ciiddan, kuna soo dhawaadeen dhinaca Ciidanka Qaranka Somaliland. Dadka degaanka oo xalay qaar kamid ahi xaqiijiyey, ayaa sheegay in tallaabadani ka dhan tahay heshiiskii nabadeed ee hoggaamiyihii Jabhadda SSC Saleebaan Xagla toosiye la saxeexday Somaliland, kaas oo go’aankiisa ay qaybo ka mid ah kooxdii nabad diidka ahayd ee Buuhoodle ka cadhoodeen, Arrintanna waxa ay u muuqataa mid ay kaga jawaabayaan nabada Xaglo-toosiye la qaatay Somaliland.
Ciiddanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ayaa Heegan buuxa la geliyay iyaga oo ka taxadiyara Weerar gaadmo ah oo kaga yimaada Malleeshiyadaas.
Ma jiraan wax isku dhac oo ilaa hadda dhexmaray labada dhinac, in kasta oo ciidamada qaranka ay diyaar u yihiin isku day kasta oo ka yimaadda malleeshiyaadka masiirka ka qaaday heshiiska nabadeed ee Hoggaamiyaha kooxdii SSC Dr Saleebaan Xaglo-toosiye iyo ergayada uu hoggaaminayo ay xukuumadda la galeen iyaga oo kulankii ugu horreeyey shalay madaxtooyada kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Malleeshiyaadka Kooxda Nabad-diidka ah ayaa wakhtiyo badan weerarro gaadmo ku soo qaaday ciidamada qaranka Somaliland, waxaanay marka ku guul-darraysanayee ujeeddooyinka ay weerarradaas isu qaadayeen iyaga oo khasaare naf iyo maalba leh kala kulmayey Ciidamada Qaranka oo had iyo jeer heegan buuxa ugu jira difaacista dalkooda iyo cid kasta oo qalaase nabadeed ka dhex-wadda dhulkooda Hooyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Hubaal/SLpost