Maleeshiyo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland oo masuuliyiin Somaliland ka tirsan ka qafaashay degmada Taleex

Taleex (SLpost)- Maleeshiyada maamul-goboleedka Puntland ayaa shalay jid-gooyo u galay, isla markaana khasaare kala duwan gaadhsiiyey Wefti ka socday dawladda Somaliland oo uu Hoggaaminayay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ay weheliyaan masuuliyiin badan oo ka tirsan laamaha dawladda Gobolka Sool.

Weftigaas oo socdaal shaqo ku tagayay degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa Maleeshiyada Puntland  jid-gooyo u galeen deegaanka Carro oo ku taal duleedka degmada Taleex, waxaana weerarkaasi ku dhintay Guddoomiyihii Waxbarashada ee degmada Taleex Marxuum Maxamed Xasan Cartan, waxa kale oo la dhaawacay saddex xubnood oo Weftigaasi ka mid ah, halka 4 Masuulna ay qafaasheen Malleeshiyada Puntland.

Masuuliyiinta Malleeshiyada Maamul-goboleedka ay gacanta ku dhigeen waxay kala yihiin Xeer-Ilaaliyihii Gobolka Sool Siciid Cabdi Cali Shire., Guddoomiyihii Maxkamadda degmada Laascaanood Salaad Ismaaciil, Guddoomiyihii Waxbarashada gobolka Sool iyo Taliyihii Ciidanka Qaranka ee aagga Taleex Maxamed Shire Dhooddi. Waxaana xubnihii Weftigaas ka bedbaaday Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isagu Weftiga horraaminayey iyo Taliyaha Sirdoonka gobolka Sool Daahir Dirir oo ka mid ahaa xubnaha Masuuliyiinta ah eee Weftigaas. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in ay malleeshiyada Puntland dhaceen Shan Baabuur oo 2 ka mid ah dad rayid ahi lahaayeen.

Dhinaca kale, waxa isla shalay ka hadlay shirqoolkaas Agaasimaha Guud ee Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Xuseen Cige, waxaanu yidhi; “Wefti Masuuliyiin sare ah oo ka tirsan Xukuumada Somaliland oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre ayaa saaka (shalay) ka baxay Magaalada Laascaanood iyaga oo u socday dhinaca degmada Taleex, waxa waddada u galay Koox shufto ah oo wadata Baabuur Tikniko ah iyo qoryo. Maleeshiyada Puntland waxay waxyeello u geysatay Weftigii qaar ka mida, qayb ka midana way qafaasheen illaa haddana ma garanayno meel ay ku sugan yihiin, hase yeeshee Weftigii qaar ka mid ahi way ka nabad-galeen oo uu Xildhinaan Koore ku jiro haddana waxay ku sugan yihiin degmada Taleex. Ciidamada Qaranka ee aagga hore ku suganina way ku daba jiraan shuftada jid-gooyada gashay waanay baadi goobayaan.”