Maleeshiyada deegaamada Buuhoodle oo Saaka soo weeraray ciidamada Qaranka, Tirada Tiknikada iyo Maxaabiista laga qabtay, Ciidanka oo Buuhoodle la wareegay iyo Dagaalka oo weli socda

Buuhoodle, 08 January, 2012 (SLpost)- Kooxaha Maleeshiyada isku urursatay deegaanka Buuhoodle ayaa saaka abbaaro 5:00 subaxnimo weerar ku soo qaaday Ciidamada Qaranka ee ku sugan deegaamada Sooljoogto.

Maleeshiyada ayaa ciidamada Qaranka ka soo weerartahay laba aag wakhti hore oo Salaadda Subaxnimo lagu jiro, waxaana la sheegayaa in kooxda Maleeshiyada ah loo geystay Khasaare baaxad weyn, waxaanay ciidamada Qaranku gacanta ku dhigeen dhammaan magaalada Buuhoodle.

Weerarkan gaadmada ah ayaa markii sababay in Ciidamada Qaranka laga qabsado shan baabuur oo nooca tiknikada ah balse markii dagaalku bilaabmay, ciidamada qaranka u suurto-gashay inay dib gacanta ugu dhigaan Afar baabuur oo ka mid ah shantii baabuur waxaana maleeshiyada laga qabsaday Afar baabuur oo ay ka firxadeen iyo maxaabiis gaadhaysa Afartameeyo.

Iyada oo haatan uu dagaalku ka socda gudaha iyo nawaaxiga, magaalada Buuhoodle, isla markaana ciidamadu gacanta ku hayaan magaalada, khasaare ballaadhanna loo geystay maleeshiyadii weerarka soo qaadday, waxa la sheegayaa in khasaaraha ciidanka Qaranka Soo gaadhay aanu badnayn.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay deegaanka Buuhoodle isku soo urursadeen maleeshiyo beeleedyo deegaamo kala fog isaga yimi kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul-qulayay magaalada iyada oo hub iyo saanad milatari looga keenayo deegaamada Puntland iyo ismaamulka Soomaalida ee Kilalka 5aad, isla markaana ay magaaladu la ciir-ciiraysay marit-gelinta dadkaas faraha badan. Waxaanay tani sababtay in maleeshiyo beeleedka deegaanka yimi oo markooda horeba ku talo galay inay dagaalamayaan ay sii joogi kari waayeen deegaanka sababo la xidhiidha inay culays badan ku hayaan dadka deegaanka isla markaana ay sii joogi kari waayeen.

Wixii warar ah eek a soo kordha kala soco SomalilandPost

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net