Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Somalia(SLPOST)Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ka arimiya.

Alshabaab

Maleeshiyaadkaasi ayaa isku soo dhiibay degmooyinka Balad Xaawo iyo Luuq, iyadoo sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Cabdi Buule uu sheegay in Maleeshiyaadka isa soo dhiibay ay gaarayaan ilaa iyo 20-qof oo watay hubkooda.

Dhanka kale ma ahan markii ugu horeeyay ay saraakiil Al-shabaab isku soo dhiibaan maamulka Gobolka Gedo, tanina waxay qeyb ka tahay dhacdooyinkii hore ee ay isku soo dhiibi jireen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Somaliland.net

Hargeys/Somaliland