Malaysia Oo Ku Dhawaaqday In Diyaaradii La Waayay Ku Dhacday Badda weynta “HINDIA

Kuala lumpur(SLPOST)-Reysal-wasaraha Dalka Maleeshiya Najib Rasak ayaa xaqiijiyay in diyaaradii MH370 ee laba todobaad ka hor la waayay ku dhacday Bad-weynta Hindiya, cid ka badbaadayna jirin.

razak-740x510

Sida ay muujinayaan macluumaad cusub oo uu helay Satlelite-ka Ingiriisku Diyaaradaas ayaa ku dhacday Badda, isla wakhti yar ka dib markii la waayay.

Diyaaradda ayaa siday markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Kuala Lumpur 239 Rakaab ah iyo shaqaale, kuwaasoo dhamaantood la maqan qalfoofka Diyaaradda oo la la’yahay ilaa horaantii bisha March.

Reysal-wasaaraha Malaysia Najib Razak oo shir-jaraa’id qabtay Maanta gelinkii dambe ayaa sheegay “kani waa arrin naxdin qoto dheer leh iyo inaynu ka xumaano oo u baahan inaanu caddeyno”ayuu yidhi.

Dhinaca kale war murtiyeed laga soo saaray waaxda Duulimaadyada ee Dalka Malaysia, ayaa lagu caddeeyay inuu dhamaan rabo baadhitaankii kala duwanaa ee diyaarada lagu raadinayay, laakiinse la sii wadayo ilaa laga helayo jawaab sax ah.

“way sii soconayaa hawl-galaddii kala duwanaa ee qaran ee lagu raadinayay diyaaradda, si aynu raadino keebaa sax ah”ayaa lagu yidhi bayaan.

“Mida kale baadhista diyaaradii MH370, waxa jira baadhitaano deg deg ah kuwaa oo aynu sidoo kale rajeynayno inay ina siiyaan jawaabo”ayaa la sii raaciyay bayaanka ka soo baxay Duulimaadyada Malaysia.

Dhinaca kale Fariin qoraal ah oo ay baahisay Hay’adda Duulimaadyada Malaysia ayaa lagu yidhi “hadii aad maqasho saacadaha soo socda dhawaaqa Raysal-wasaaraha Malaysia, waa inaad aqbashaa dhamaan dhacdooyinka la soo jeediyay ee ah in diyaaradii luntay ku dhacday Koonfurta Bad-weynta hindia” .

Qaraabadda Rakaabkii diyaaradda

MH370 has ended in Indian OceanWarka ka soo baxay dawladda Malaysia, ayaa murugo iyo naxdin ku beeray qoysaska iyo qaraabadda boqolaalka la socday Diyaaradda oo badankoodu dalka shiinaha u dhasheen.

Waxaase dhinaca kale rajo laga qabaa inuu soo afjaro jahawareerkii ka taagnaa raacdada iyo wararka isburinaya ee marba marka ka dambeysa dhegehooda ku soo dhacaya, taasoo u bedeli doonta qaraabaddu inay ka samraan dadkoodii iyo saaxiibada ku geeriyooday shilkaasi.

Waxaana xusid mudan in markii warkani soo baxay ka dib, dalka Shiinaha Caasimadda Beijing dawladdu kula shirtay eheladda dadka wali la la’yahay ee diyaaradda saarnaa, dabadeed intii shirku socday dhawr qof dibada uga soo baxeen iyagoo ooyaya.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland