Malala Yousufsai oo Cambaaraysay Aragtida Musharaxa Maraykan ee Donald Trump Muslimka ka Qabo

Peshawar (SLpost) – Gabadha ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobelka, Malala Yousafzai waxa ay cambaareysay hadalka ka soo yeedhay mid ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

 

Trump ayaa waxa uu sheegay in uu muslimiinta ka mamnuucayo Mareykanka haddii xilka madaxweynaha loo doorto. Wuxuu ku dooday inuu layn doono Daacish xattaa ubadkooda iyo hooyooyinkood.

 

Gabdhan oo 18 sano jir ah una ololeysa arrimaha waxbarashada haweenka iyo caruurta, waxa ay dadka u sheegtay in muslimiinta oo dhan aysan ku eedeyn waxa ay ugu yeedhay argagixiso.  Waxa ay intaa ku dartay in kala sooca noocan ah uu sababayo oo keli ah in dadbadan ay ku biiraan kooxahan argagixisada ah.

 

Hadalkaasi waxa ay ka jeedisay munaasabad lagu qabtay magaalada Peshawar ee dalka Pakistan oo lagu xusayay sanadka laga joogo dilkii 145 ardey oo kooxda Taalibaan ay ku weerartay iskuulkooda.