Malaha Afka-Dhagoolkaa Lagu Sheegi Doonaa! – W/Q: Maxamed Mahad

dhamac sawirTaariikhdu markay ahayd 20kii March 2014 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah ayaan waxaan ka anba baxay magaalada Hargaysa oo aan safar shaqo u tegay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Borama. Waxa safarkayga igu wehelinayey nin aan wada shaqayno oo la yidhaah Abdirahman Maxamed. Markaan gaadhay magaalada Boorama waxaanu  bilaabanay shaqadii aan u tagnay. Markaan shaqadii dhamaysannay waxaan u baqoolay dhinacaa Huteelkii aan deganaa si aan ula caweeyo asxaab aaan halkaa ku lahaa.

Cawayskaa ka dib waxaan galay qolkii aan ka deganaaa Huteel ka dib ayaan waxaan galay E-mailkayladaydii gaarka ah (Face book)oo doonayey in aan eego ama ogaado fariimaha cusub ee ku qoran si aan u seexdo anigoo warbixin haysta. Markaan eegay face book ga waxaan ka akhriyay war sheegaya in magaalada Borama la keenay dumar heerin ah oo Hindi ah oo guur doon ah tiradooduna dhan tahay 40 dumar ah. Waxaa la sheegay ay yihiin gabdho muslim ah oo lacag lay ah, kuwaas la sheegay inaan wixii kharash ku baxaya arooska dabarayaan kharashka  guurka. Arinkan oo ahaa wararka ay bulshadu sida aadka uga wada sheekaysanayeen.

Waxa baryay waagii. Waxa igu soo dhacay telefoon nin aanu saaxibnahay, markaasaan ka qabtay waxa uu i waydiiyey waxay noqotay arinkaa aan xalay facebook ka akhriyey. Markaas ayaan ku idhi waxa hablo heerin ah, waxa la bixinayaa shan dollar iyo bakhtiyaa nasiib la qaadanayo ee  magacaaga ma qoraa oo kabta ma kuu qaadaa? lacagtana anaa bixinayee. Wuxuu iigu jawaabay mayee u kaadi kadibna telefoonkii  ayuu dhigay. Intaan usoo baxay barxada hore Huteelka  oo aanu  wada fadhiisanay asxaabtayda  oo aanu shaaha iyo sheekada kuwada wadaagno, waxaanan cabaar ka doodnay arinka oo ahaa mid ku cusub magaalada Borama. Dooda dhexdeedii ayaanu ku ogaanay in maantaa masaajidada magaalada Borama arrinkaas laga wada sheegayo. Markaas ayay dhalinyaradii aanu wada fadhinay badankoodu sheegeen inay gacanta taagayaan marka sheekhu ku dhawaaqo oo ay diyaar yihiin iyadoo u arkayey fursad usoo korodhay oo ay ka faa’iidaystaan.

Waxaa gaadhay eedaanka salaada Jimcaha ee hore. Waxaanu fadhiisannay safafka hore ee masaajidka. Markaanu fadhiisannay masaajika  waxa uu sheekhu akhriyayay khudbaddii Af Soomaliga ahayd. Sunne ayaanu markiiba tukannay ka dibna masaajidka ayaanu fadhiisanay, waxaan cabaar fadhiyaba ee aan naawilo arinkii gabdhaha heerinka ah, sheekhii wuxuu sii waday khubdadii Soomaliga ahayd oo uu kaga hadlay waalid caasiga.

Waxaan mar labaad naawilaba in arinkii sheekhu ka dhawaajiyoba iyo ninka af dhagoolka ku sharaxayey khudbada sheekha ee Af Somaliga ahayd waxa dhamaatay khudbadii Somaliga ahayd. Sheekhii wuxuu koray Minbarkii masaajidka kadibna wuxuu bilaabay khudbadii Af Carabiga ahayd ka dibna salaadii ayaanu tukanay.

Mar sadexaad ayaan naawilnay in sheekhu markale kaco oo hadalka bilaabo sheegana arinkaas aanu inta badan ka dhar sugaynay. Sheekhii masaajidkii khudbadda jeedinayay ma sheegin wax arrinkii gabdhaha ku saabsan. Salaadii ka dib waxaanu u boqoolnay dhinacii huteelkii aanu deganayn ee sheekada ku falan qaynay oo aanu mar labaad doodii bilownay, waxaanu doodii wadnaba waxaanu is waydiinay MALAHA ARRINKII AF DHAGOOLKAA LAGU SHEEGAY!!!.

Mohamed Mahad Dhamac