Malaayiin doolar oo Muslimiin Af Ingiriisi lagu barayo

Uk(SLpost)-Dawladda Britain ayaa haweenka Muslimiinta ah ee dalkaasi ku nool u diyaarinaysa in kabadan labaatan iyo sideed milyan oo doolar si loogu baro luuqadda Ingiriiska.

Dadaalkan ayaa qayb ka ah sidii loo abuuri lahaa bulsho is dhex gasha loogana hor tagi lahaa argagixisanimada.

Raisal wasaaraha Britain, David Cameron oo la hadlay wargayska The Times ayaa sheegay in raga Muslimiinta ah ee laga tirade badanyahay ay dabeecad dib u socodnimo ah kula dhaqmaan haweenka aan aad u aqoonin Ingiriiska amaba naan kuba hadlin.

Wuxuu intaas ku daray in ay waajib tahay in Britain ay ku dhaganaado qiyamkeeda aragtida balaadhan ku dhisan.

Haweenka xaasnimo lagu geeyo UK haddii ay damcaan in ay dalbadaan in ay sii joogaan amaba ay dhalasho qaataan waxaa lagu xidhi doonaa in ay maraan imtixaan luuqadda Ingiriiska ah.

Xigasho BBC