MAKKAH: Dhimashada Xujaajta oo sii korodhay iyo Tirada ilaa immika la shaaciyey

Makkah (SLpost)-Ugu yaraan 700 oo xujaaj ah ayaa maanta ku dhintay xajka,  in ka badan 800 oo kalena waxa lagu soo waramayaa in ay dhaawacmeen, kuwaasoo ku Geeriyooday Minna, Xilli ay ku jireen dhagax-tuurka Sheydaanka. Tirada ayaa sii badanaysa marba marka ka dambeysa.

Xujaajtan geerida iyo dhaawucu ay soo gaadheen ayaa Waxay ka mid ahaayeen Malaayiin xujey ah oo sanadkan gudanayay Xajka, waxaana tani ay noqonaysaa khasaarihii labaad oo ka dhaca Xajka Sannadkan.

hajjMas’uuliyiinta Saudi Arabia ayaa sheegay in 4000 oo shaqaalaha gargaarka iyo ilaalinta khataruhu ay ka qayb qaadanayaan badbaadinta xujaajta, iyada oo 220 dhooli(ambulance)na ay daadguraynayaan maydka iyo dhaawaca xujaajta. Dadka ay soo gaadheen dhaawacyadu ayaa la gaynayaa goobaha caafimaadka si loo daweeyo.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dadka geeriyooday iyo dhaawacyaduba ay u dhasheen dalal kale duwan, iyadoo sidoo kale wariyeyaal ku sugan Xajka ay noo sheegeen in dadka dhintay intooda badan ay kasoo jeedaan dalka Niger oo Afrika ku yaalla iyo dalal ku yaalla Khaliijka Carabta.