Makhaayadda Inanta iyo Micnaheeda Miisanka Nolosha – W/Q: Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi, La-taliyaha Madaxweynaha

Marka la maqlo magaca Makhaayada Inanta waxaa hubanti ah in badi bulshada qeybaheeda kala duwan si fiican u garan karaan waxay tahay iyo meesha ay ku taal gaar ahaan dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan.

Walow mararka qaar ay ku soo dhacdo maskaxdooda micnaha makhaayadda inanta iyo meesha u magacu ka imid ama salka ay ku hayso?

 

IMG_2039

Ka sokow da’yarta marka laga imaado, dadka waaweyn ama intii nooleyd siddeetamaadkii wixii ka horeeyey waxaa magacani si weyn u dhex xulay maskaxda da’yarta danbe oo laftirkooda ku bartey goobtan ama meesha ay ku taal oo ah meel inta badan loo maro safarada loogu baxayo gobolada galbeedka somaliland wallow misana aaney ogayn sababta magacan keentay, meesha uu ka imid, cida bixisay iyo waliba inanta la sheegayo lafteedu tay tahay?

Makhaayadda Inantu waxay ku taalaa duleedka galbeedka Hargeysa, iyada oo kanbalka ku haysa dhanka Woqooyi ee waddada laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Hargeysa ilaa Boorama. Waa deegaan qurxoon oo ay ku yaalaan meherado ganacsi, haba yaraadaane. Waxaa sidoo kale ka muuqdaa beero daaqsimeed iyo kuwo la fasho.

Magaca Makhaayadda inantu wuxu baxay sannadkii 1983 markaas oo ay gabadhi ka furatey meherad qaxwaha lagu cabbo ama lagu shaaheeyo isuguna imaadaan dadka lugleyda oomanta ah iyo kuwa guuto fardooleyda ah, micnaha dadka xoolo raacatada ah ee daalan iyo kuwa gaadiidka saaran ee danaha ka leh deegaanada iyada ku ag dhow waxaaney ka heli jireen qaxwe lagu oon baxo marka la soo galo safar dheer kana reeba socotada daalkii iyo diiftii safarka.

Sababaha caan bixiyey waxaa ka mid ahaa iyada oo qaxwaha makhaayadda yaala ama Inantu sameyso ahaa ku dhadhan gaar ah ka leh kuwa kale ee lagu kariyo guryaha ama makhaayadaha la faca ahaa wakhtigaa, waa sida ay i sheegeen dad ka tirsan deegaanka makhaayadda Inanta taas oo micnaheedu yahay in Alle SWC u barakeeyey gacanteeda.

Waxaa sidoo kale marar badan cadaadis kaga iman jiray dawladdii markaa dalka haysatey ee uu gadhwadeenka ka ahaa Siyaad Barre iyada oo lagu eedeyn jiray inay tahay meel ay imaadaan Ururkii SNM ee xoreynta waddanka halgankiisa ku jiray taas oo niyad-jab badan ku ridi jirtey Inanta laftirkeeda dhowr goorna damacday inay iska xidho laakin u dhabar adeegtey

Goor sheegtu waa 9:30 subaxnimo waxaan ku sii jeedaa dhankaas iyo magaalada boorama, waxaa safarka igu wehelinaya saaxiibkey Suldaan Abu Sufyaan, waxaanu dhaafnay kaantarooka Galbeedka Hargeysa, waxaa markaas meel aan sidaas nooga fogeyn ka muuqday bidhaanta deegaanka makhaayadda Inanta. Waxaanu is waydiiney su’aalo dhowr ah oo ku saabsan deegaanka? Anagoo sheeko wadaagtii wadana ayaanu gaadhneyba makhaayaddii Inanta. Nasiib-wanaag waxaan deegaanka laftirkiisi kula kulmay Inanta magaceeda dalka oo dhan xoogga looga yaqaano balse muuqeeda aan la aqoon! Waa hooyo wejigeeda aad ka dareemayso farxad, waan isku sharraxay waxaanan u sheegay inaan kamid ahay dhalinyarada Somaliland ee in ka badan magaceeda maqleysay 30-kii sannee ee u danbeeyey balse ku faraxsan maanta araggeeda.

Waxaan ka codsadey iney iga aqbasho codsi ah inaan ka qoro maqaal aan ku baahinayo Saxaafadda Somaliland si aan umadda ugu sheego kaalinta mugga leh ee ay kaga jirto nolosha bulshada, waaney iga aqbashay. Waxaan ku sii xigsiiyey codsi kooban oo ah inaan sawir la galo? Waxay tidhi dhib uma arko waanan la galay.

Muddo ayaanu bartii ku sheekeysanay waxaaney ii aheyd maalin farxadeed waayo waxaan u arkaa iney tahay qof buuxisay kaalintii dhankeeda kaga banaaneyd baahida nolosha bulshada micno weyna ugu fadhida taariikhda dalka gaar ahaan haweenka Somaliland.

Inanta la sheegaa, hadda immika waa hooyo sidaan sare ku soo xusay

Magaceedu waa: Shugri Xamse Jaamac, waxay carruur leedahay laba wiil iyada oo gurigeeduna ku yaalo isla deegaanka ay aasaastey iyadu.

Haddaba, Hooyo Shugri waxay baal dahab ah ka gashay taariikhda Somaliland ilaa iyo intey nooshahay iyo marka ay dhimataba, waxaaney la timid aragti fiican oo ay ku meel marisay hankeedii iyo hadafkii ay ka laheyd nolosha.

Waxay qaadday talaabo ay ku raadsaneyso arsaaqad xalaal ah iyo shaqo iyadu ay abuuratey oo ay kaga maarantey iney shirkad iyo shaqsiba waydiiso shaqo. Waxay heshay magac weyn oo waxay maanta kamid tahay dumarka ugu magaca weyn Somaliland, waxay heshay manfac oo waxay kamid tahay dadka ay ka go’do talada deegaanka ay deggan tahay iyada oo Madax maamus gaar ah leh ka dhex ah deegaankaas.

 

Waxaad haddaba arkeysaa mararka qaar dhalinteena oo ka cabaneysa Camal la’aan baahsan badhkoodna ku qasabta iney ka tahriibaan waddanka. Waxaa tusaale nool inoogu filan Hooyo Shugri. Dabcan hooyo Shugri may wadan shahaado jaamacadeed iyo aqoon weyn oo ay ku abuuri karto shaqo, balse waxay sideeda uga shaqeysiisey maskaxdii Alle SWC ku abuuray iyadoo lagu ilhaamiyey waxay maanta waddanka u qabatey

Waxaa hubaal ah in dhalinyarada Somaliland oo dhan badankoodu wataan shahaadooyin jaamacadeed balse aaney garan Karin sidii ay ku abuuri lahaayeen shaqo.

Qofkastaba waxaa u kamid yahay tiirasha ay bulshada ku dhisan tahay gaar ahaan inta aqoonyahanka ah iyaga waxa laga sugayaa samata-bixinta balaayo kasta oo wadanka ku timaada, Alle inaguma keenee, waayo waxaa la bidayaa aqoon, aragti, iyo waliba amaano, balse taasi inta badan ma dhacdo oo waxaad mooddaa in dhalinyaradu sugeyso oo kaliya iney ka shaqeeyaan xafiis iwm

Wiil iyo gabadh kolba kaad tahay, waxaanu kaa sugeynaa haddii aanu nahay bulshada waddanka, inaanu intifaacno aqoontaada oo aad noola timaado wax aad ku gasho taarikhda.

Bal isku day inaad abuurto wax ay bulshadu xoog ugu baahi qabto qarwaaqsatana awoodda Alle SCW ku siiyey iyo shaqsiyaddaada qiimaheeda

Qormadeydan maantu waxay kow u tahay qormooyin si joogto ah aan u soo gudbin doono kana qori doono qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan kuwa buuxiyey kaalmihii ka banaanaa kagana beegnaa dhankooda baahida bulshada, waxaanan ku soo afmeerayaa qoraalkeyga bayd kamid ah maansada galiilyo ee  Abwaan Weedhsame.

 

Qofbaad tahay guul abuura,

Qofbaad tahay guri yagleela,

Qofbaad tahay gar ahaantaa ku gaajo baxoo iskeena,

Gankaa kuma dheera caaro,

Aqoontadu ma gaabna,

Ma gaagixin aayahaagu,

Dadkaaguna kuma giriifin,

Dalkaagana kama go,aysid,

Galbeed yurub kuuma yeedhin,

Giriiguna kuuma baahna,

 

Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batuun

Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland

Hargeisa Somaliland

Email: Barkhad909@live.com