Majaajilayste Ajakis oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya maanta ku geeriyooday majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo muddooyinkii u dambeeyey ka mid ah shaqaalaha Telefishanka Universal.

Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Cisbitaalada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa.

Ajakis ayaa ahaa soo saaraha barmaamuj caan ahaa oo ka bixi jiray Telefishanka Universal, kaasoo la yidhaahdo Faaliyaha Qaranka, laguna falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya hadba xaalada taagan.

Waxa kale oo uu ahaa majaajiliste lahjada Banaadiriga si kalsooni leh bulshada u bari jiray.

Cabdi Muridi Dheere ayaa ku soo shaac-baxay isla markaana magaca AJAKIS kula baxay Tarjumaadda Filimada Hindiga oo uu inta badan codkiisa tarjumi jiray Jilaa u dhashay dalka Hindiya oo Soomaalidu u taqaanno Ajakis.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net