Mahiga oo sheegay inay nabadi ka hirgashay Soomaaliya iyo Al-shabaab oo weli sii wada ciqaabta dadweynaha

Muqdisho, (SLpost)- Kooxda Al-shabaab ee ka talisa gobolka Gedo ayaa xukun karbaash ah ku fulisay haweeney ay ku eedeeyeen sino, haweenaydaas ayaa lagu dhuftay 100 karbaash.

Haweeneyda xukunka lagu fuliyay oo lagu magacaabo, Faadumo Cabdilaahi Muxumed ayaa karbaashkeeda lagu fuliyay meel fagaare ah.

“Maxkamaddu waxay xukun ku ridday Faadumo Cabdilaahi Muxumed oo ku dhacday fal sino ah, iyada ayaana maxkamadda timi, waxaana la waafajiyay xukunkeeda diinta Islaamka,” ayuu yidhi Yuusuf Abuu-Jacfar.

Xukunkan ayaa ka dhacay barxad weyn oo ku taala badhtamaha degmada Baardheere, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen boqolaal dadweyne ah, maaha  xukunkan kii ugu horeeyay oo ay  Shabaab ka fuliso gobolka Gedo

Dhinaca kale, Ergayga Xoghayaha Guud Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya,

Danjire Mahiga oo shalay gaadhay Muqdihso ayaa sheegay in muddo sannooyin ah ay xilligan Soomaaliya ka jirto fursad nabadeed oo aad u wanaagsan.

Danjire Mahiga, wuxuu ku taliyay in fursadda nabadeed hore loo riixo, isagoo xusay inay fursad nabadeed la xidhiidho heshiiskii tubta nabadda (Road Map) ee lagu gaadhay Muqdisho, taasoo ah mid lagu dhameystirayo qorshaha KMG ah ee Soomaaliya, looguna gudbayo dowlad joogto ah.

“Soomaaliya muddo dheer ayay lagdan ku jirtay, balse hadda waxay haysataa fursaddii ugu wanaagsanayd ee dhinaca nabadda ah sanooyinkan,” ayuu danjire Mahiga ku sheegay qoraal uu soo saaray. “Waa inaan aqbalnaa oo aan kala shaqeynaa shacabka Soomaaliyeed adkeynta fursadda nabadda, tanina waa qayb ka mid ah tubta nabadda.”

Qoraalka uu soo saaray dajire Mahiga ayaa wuxuu kaga dalbaday jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool inay kaalin mug leh ku yeeshaan sidii nabadda dalkooda lagu soo celin lahaa, isagoo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xidhan yahay Soomaalida.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net