Magdalena Andersson oo loo doortay Ra’iisal-Wasaaraha Dalka Sweden

Hargeysa (SLpost)- Codbixin maanta ka dhacday Aqalka Baarlamaanka Sweden, ayaa markii labaad muddo lix maalmood ah raysal-wasaaraha dalkaas loogu doortay Magdalena Andersson oo ah haweenayda majaraha u haysa Xisbiga Social Democrats oo xilligan ku keliyeysanaya hoggaaminta dalka dalkaas.

Mrs Andersson ayaa fara-ciddood ku heshay kalsoonida codka baarlamaanka dalka Sweden, kaddib markii ay ka soo horjeesteen 173 mudane oo ka codeeyey, iyada oo cod-dheeri laba ah ku heshay. Mrs Anderson ayaa noqonaysaa Hawenaydii u horeysay ee ra’iisal-wasaare ka noqota dalkaas.

24-kii bishan Novermber codbixin ka dhacday baarlamaanka Dalka Sweden, ayaa xilka raysal-wasaaraha loogu doortay haweenaydan, waxaana lagu waday inay xilka la wareegto 26-kii November, haseyeeshee saacado kooban kaddib ayay xilka iska casishay kaddib markii uu burburay isbahaysi ay talada dalkaas ku soo hoggaaminayeen Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Social Democrats iyo xisbiga Green Party, waxaanay baarlamaanka ka codsatay inay mar kale codka kalsoonida u qaadaan, taas ayaana keentay inay maanta hortago golaha Baarlamaanka.

Nidaamka sharci ee dalka Sweden, ayaa dhigaya in murashaxa u taagan xilka raysal-wasaaraha dalkaasi aanu u baahnayn taageerada aqlabiyadda baarlamaanka, balse uu u baahan yahay cod hal-dheeri ah.

Raysal-wasaare Andersson ayaa hoggaamin doonta xukuumad hal xisbi oo uu ka maqan yahay isbahaysiga Green-Social Democrat oo talada dalkaas soo-hogaaminayey ilaa 2014-kii. Xukuumaddan ayaa noqonaysa markii u horeysay muddo 15 sanno oo Xisbiga Social Democrat ku kaliyeysto hoggaanka dalka oo ay ugu dambaysay sannadkii 2006-dii xilligaas oo Mrs Andersson noqotay wasiirka Maaliyadda.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta The Local, guushani uma saamaxayso xukuumadda xisbiga Social Democrats inay u madax-bannaanaato hoggaaminta Sweden, maxaa yeelay, sida ay sheegayso The Local, Xisbiga Social Democrats waxa uu baarlamaanka ku leeyahay 100 mudane oo ka mid ah 349 xildhibaan oo goluhu ka kooban yahay, waxaanay taasi uga baahan tahay inay dhinaca saarto mid ka mid ah saddexda xisbiga ee kale si ay u meel-maraan siyaasadahoodu.

Raysal-wasaare Andersson ayaa la filayaa inay golaheeda xukuumadda soo dhisto maalinta Salaasada berri, iyadoo intaas kaddib ay Raysal-wasaaraha oo ay weheliyaan Golaheeda Xukuumaddu ay kulan la qaadan doonaan Boqorka Sweden.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net