Magacyada weriyeyaasha la xidhay iyo hay’adaha warbaahineed ee ay ka hawlgalaan

Hargeysa, 15 January, 2012 (SLpost) – Xukuumadda Somaliland ayaan illaa iyo hadda xorriyaddoodii u soo celinnin tiradii ugu badnayd ee suxufiyiin ah ee hal mar la wada xidho, kaddib markii ay saaka xabsiga u taxaabtay weriyeyaal ka dibad-baxay falkii lagu xidhay xafiisyada Telefishanka Horn Cable Tv ee magaalada Hargeysa.

Suxufiyiintan oo saaka muddaaharaad salmi ah oo ay ku daafacayaan xorriyadda saxaafadda la hor tegay xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 18 suxufi oo isugu jira wiilal iyo gabdho, iyada oo loo dhaadhiciyay saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.

[stextbox id=”warning”]Magacyada Suxufiyiinta iyo Warbaahinaha ay ka hawl-galaan:[/stextbox]

1-Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) – Tifaftiraha Wargeyska Jamhuriya

2-Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) – Tifaftiraha Wargeyska Waaheen

3-Najax Aadan Cunaaye – Agaasimaha Shabakada Hadhwanaagnews.

4- Maxamed Siciid (Xarrago) – Shabakada Berbera News

 5-Maxamed Fayr (M.Taajir) – Wargeyska Geeska Afrika

6- Maxamed Axmed Muuse (Kuraase) – Telefishanka HCTV

7- Saleebaan Cabdi Cali (kalshaale) –Wargeyskan Waaheen

8- Hodan Cali Cajabi – Telefishanka HCTV

9- Safiya Sh. Nuux – Telefishanka HCTV

10- Xamze Cali Bulbul – Madaxa Wararka Ee HCTV

11- Axmed Aadan Dheer – Wargeyska Haatuf

12- Nimco Cumar Maxamed (Nimco- Samriye) – Telefishanka HCTV

13- Khaalid Xamdi Axmed – Wargeyska Waaheen

14- Jaamac Cumar C/laahi – Wargeyska Waaheen

15- – Cabdiraxmaan Sheekh Yoonis – Telefishanka HCTV

16- Suhuur Barre – Telefishanka HCTV

17- Axmed C/raxmaan Xirsi (Heelo) – Telefishanka HCTV

18- C/qani C/laahi Axmed (Asparo) – Shabakadda Hadhwanaagnews

……….. iyo dhowr suxufi oo kale

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda Somaliland mar kaliya xabsiga la wada dhigo Suxufiyiin tiradaas le’eg, waxaanay tani bog madow u furaysaa xidhiidha xukuumadda Siilaanyo iyo warbaahinta madaxa bannaan.

Somalilandpost.net