Magacyada Warbaahinta Caalami ah oo ay dowladda Itoobiya Dhinac-u-Xaglin ku eedaysay

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Federaalka Ethiopia, ayaa ku eedaysay 10 ka mid ah warbaahinta caalamiga ah inay weerar ku yihiin dalkaas.

Dowladda Ethiopia waxa ay hay’adahan warbaahineed oo kuwa dunida ugu magaca weyn ka mid ah ku eedaysay inaanay si dhex-dhexaad ah u tabinin wararka ku saabsan xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa dawladda Federaalka iyo Jabhadda Tigray-ga.

Hay’adaha warbaahineed oo dowladda Ethiopia ka cabatay oo isugu jira Wakaalado wareed, telefishanno iyo Wargeysyo, badankoodana laga leeyahay waddamada reer Galbeedka, ayaa kala ah BBC, Al Jazeera,  The Guardian,  Bloomberg,  Financial Times,  Wall Street Journal, Washington Post, Reuters iyo  France-Presse.

Xukuumadda Raysal-wasaare Abiy Ahmed, ayaa sheegtay in ay warka u dhigeen in dawladda dhexe ee Ethiopia iyo gobolka Tigraay ay yihiin wax u eg labada dal oo dagaalamaya, isla markaana ay warbaahintaasi marin-habaabiyeen warar ka soo baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Ethiopia, kuwaas oo la xidhiidha dejinta iyo xasilinta gobolka Tigray.