Magacyada Shan ka mid ah dalalka Latin America oo dib ugu yeedhay Safiirradoodii ka joogay Israel

London (SLpost)- Shan waddan oo ku yaala qaaradda Latin America, ayaa safiirradooda uga yeedhay magaalada Tel Aviv ee caasimadda dawladda Yuhuudda, iyaga oo ujeeddadoodu tahay inay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan Xasuuqa ay ku hayaan Shacabka ku nool Gaza.

GAZA CITY, GAZA - JULY 30:  A Palestinian kid is seen in Abu Hussein School which was sheltering dozens of displaced Palestinians run by UNRWA, hit by a Israeli tank shell attack, killed 15 people in the early hours of Wednesday in northern Gaza strip on July 30, 2014. Wounded Palestinians are taken to  Kamal Edwan hospital. (Mustafa Hassona - Anadolu Agency)Waddanka El Salvador oo ugu dambeeyey shanta waddan, ayaa shalay dib ugu yeedhay safiirkooda Israel, waxaana ka horeeyey oo go’aankan hore u qaatay dalalka Brazil, Chile, Ecuador iyo Peru.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel Yigal Palmor, ayaa ku dooday in tallaabada waddamadaasi qaadeen dhiirri-gelin ku beerayso Xamaas. “Go’aankani waxa uu dhiirri-gelinayaa Xamaas oo waddamo dhowr ahi u aqoonsadeen urur argagixiso ah. Waddamada dagaalka kula jira argagixisadu waa inay si masuuliyadi ku jirto uga fal-celinayaan oo ay ka abaal-mariyaan,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Khaarajiga ee Yuhuudda.

“Go’aanka ay dalalka Latin America dib ugu yeedheen Safiirradooda Tel Aviv, waxay nagu beeraysaa Walaac xooggan,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Sidan oo kale, ayay Israel u cambaareysay go’aanka ay dawladda Brazil dib ugaga yeedhatay Safiirkooda Tel Aviv. Dalka Brazil ayaa ka mid ahaa 29 waddan oo Golaha Xuquuqda bani’aadamka ee Qaramada Midoobay ugu codeeyey todobaadkii hore in baadhis madax-bannaan lagu sameeyo gabbood-fallada Israel ka geysatay marinka Gaza.

Tirada dhimashada shacabka Falastiiniyiinta ah ee Ciidamada Yuhuuddu Xasuuqa u geysteen, ayaa gaadhasya 1,361, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaad ee Gaza.

Sida uu sheegay Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Caafimaad, waxa hawl-galka milatari ee Yuhuuddu ka waddo Gaza ku dhaawacmay 7,170 qof oo Falastiiniyiin ah tan iyo markii ay Israel duqeynta ku bilowday Gaza 7-da bishan maanta dhammanaysa ee July.

Dhinaca Yuhuudda, waxa dagaalka kaga dhintay 53 ka tirsan Askartooda iyo saddex qof oo Shacab ah oo mid yahay Qof Ajaanib ah oo gudaha Israel ka shaqaysanayey.

SOMALILANDPOST.NET