Magacyada Masuuliyiintii ugu miisaanka cuslayd oo iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sababaha loo aanaynayo

Hargeysa (SLpost)- Waxa goor-dhawayd xilalkii ay hayeen si rasmi ah isaga casilay masuuliyiintii ugu tunka weynaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirradii madaxtooyada iyo Arrimaha Dibadda, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Ma jiro war rasmi ah oo ay wada-jir u baahiyeen masuuliyiinta Is-casilay, haseyeeshee sida ay sheegeen Wararka hordhaca ah ee helayso shabakadda Somalilandpost, ayaa sheegaya inay labadan masuul go’aanka is-casilaaddooda ku weheliyeen wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo Afhayeenkii madaxooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

news1Wararku waxa ay intaas ku dareen inay masuuliyiinta is-casilay ku jiraan Wasiirrada Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Shaqada Dr Cabdi Aw-daahir, Wasiir ku-xigeenka wasaaraddaas Nimco Qawdhan, Wasiir ku-xigeenka Deegaanka.

Dhinaca kale, War-qoraal ah oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ku baahiyey bartiisa Facebook, ayuu isku sheegay inuu iska casilay xilkii uu u hayey qaranka isagoo muddadii Shanta Sanno ee uu xilkaas hayey wada-shaqaytii ka dhaxaysay uga mahad-celiyey madaxweynaha, hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo hawl-wadeennada Wasaaradda madaxtooyada.

Qoraalka Wasiirka ayaa u qornaa sidan:- “Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka.

Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey.

Alla Mahad leh.”

Go’aanka ay masuuliyiintani isku casileen ayaa sida wararku sheegayaan salka ku haya khilaaf ka taagan murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, kaddib markii madaxweyne Siilaanyo go’aankiisii ugu dambeeyey habeenkii xalay uu si rasmi ah u taageeray murashaxnimada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay jagadaas kuwada loolamayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

LA SOCO WIXII WARAR AH EE SOO KORDHA……….