Magacyada Lix Qof oo Xukuumadda Somaliland ku fulisay Xukunno Qisaas ah iyo Dilalka ay gesteen

Mandheera (SLpost)- Xukumadda Somaliland ayaa maanta Dilal Qisaas ah ku fulisay lix qof kaddib markii Maxakamaduhu ku rideen xukunno dil ah, kuwaas oo lagu helay inay gacanta ku baxday dad ay dileen.

Fulinta Qisaasta oo ka dhacday Degmada Mandheera oo u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxa goob joog ka ahaa Saddexda Ciidan Qaran oo Asluubtu hogaaminayso iyo saraakiil Wasaaradda Caddaaladda ka tirsan.

swMr Cabdi Cabdillaahi oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo garsoorka Somaliland, ayaa sheegay in dadkani hore u gaysteen dilal, islamarkaana Maxakamaduhu ku xukumeen dilkaasi, sidoo kalena Ehelada dadka la dilay iyo kuwa dilka gaystay isla afgarteen in la dilo.

Magacyada dalka Qisaasta lagu fuliyey oo masuulkani warbaahinta u sheegay iyo dilalka ay hore u geysteen, ayaa kala ah:

  1. Maxamed Daa’uud Axmed,ina Hibo Cilmi, oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse, Ina Caasha Maxamed, oo 25 jir ahaa oo si wada jir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30-03-2008-dii.
  2. Iliyaas Cabdillaahi Aadan, ina Waris Cige, 4o jir ahaa oo Magaalada Hargeysa ku dilay, Marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd, 26-07-2003-dii;
  3. Maxamed Axmed Xirsi, Ina Farxiya Cali, 24 jir ahaa oo Magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo Xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii;
  4. Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed (Ex Dable Askari Boolis ah) Ina Mulaaxo Cabdi, 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), maalintii 22-03-2015-ka;
  5. Cabdirashiid Xasan Cumar (Ex Dableh, Askari Ciidanka Qaranka ah) ina Xaawo Muxumed Nuur, 25 jir ahaa, Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani 07-08-2009;

Qisaasta lagu fuliyey lixdan qof, ayaa noqonaysa markii u horeysay muddo tobanaan sanno ah oo Somaliland laga fuliyo xukunno Qisaas ah.

SOMALILANDPOST.NET