Magacyada iyo Macnaha Raggii iyo Dumarkii Hore ee Soomaalida

 

Deegaanada ay Soomaalidu ku dhaqan tahay ee Geeska Afrika waxa lala baxaa magacyo kala duwan, oo deegaan kastaa leeyahay magacyo u gaar ah. Balse waxa jira magacyo ay isku mid ka yihiin. Sidoo kale magacyadu waxa ay ka turjumayaan ujeedooyin kala duwan oo duruufo kala duwan wata. Tusaale ahaan Maydhane marka loo bixiyo wiilka, wuxuu magacani ka turjumayaa wiil midab ahaan caddaan ah. Sigad marka wiilka loo bixiyo, wuxuu ka turjumayaa hooyadii oo umul-aroori gaadhay (Foosha ku dhiman gaadhay), ama isaguba uu dhimana gaadhay. Qawdhan marka wiilka loo bixiyo, wuxuu ka turjumayaa wiilka oohinta bata. Guhaad marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiil hooyadii mar kasta caanaha naaska ka dalbada. Wayrax marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa qaylo iyo cadhado badan. Naaleeye marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiil dhashay reerkii oo abaarihi hayso, ka dibna dhalashadii ka dib barwaaqo la helay. Suudi wiilka loo bixiyo wuxuu ku turjumayaa kulayl, oo wiilka ayaa dhashay wakhti kulul. Magan marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiilkaasi oo hooyadii la furi lahaa oo wiil dhashay, kadibna furitaankii laga noqday. Beyle waxa loo bixiyaa wiilka midab ahaan madow.

Haddii aynu intaasi ku dhaafno ujeedooyinka magac-bixinta qaar ka tirsan wiilasha, bal aynu soo bandhigno magacyo kale.

Kaliil, Habe, Maydhax, Cabbane, Toor, Food, Guhaad, Cadceed, Hayaan, Dharaar, Galool, Guure, Digaale, Good, Sahal, Cosoble, Kabadhe, Cadaawe, Qudhac, Colaad, Xidig, Xalane, Quule, Hufane, Dalmar, Looyaan, Birmad, Kuluc, Geelle, Cartan, Dhiid, Naaleeye, Xareed, Samo-kaab, Mooge, Oogle, Wayrax, Dugsiiye, Dhuux, Hired, Halac, Kaahiye, Tarax, Ceelaabe, Khaliif, Ciid, Xaamud, Janaalle, Khayre, Caagane, Bulxan, Beyle, Xiis, Raage, Odawaa, Magan, Salaad, Dabayl, Dhimbiil, Shire, Nadiif, Suudi, Ayaanle, Cige, Kaynaan, Buraale, Daacad, Guudle, Canshuur, Xandulle, Dafle, Dirir, Rooble, Saalax, Caydiid, Gadiid iyo Xil-diid, Ciiltire.

Magacyad Dumarkii Hore Iyo Macnahooda

Dhinaca dumarka sidii inamada oo kale ayey magac-bixinta loogu bixiyaa. Haddii aynu qaar tusaale u soo qaadano. Bishaaro marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa qoys dhashu ka raagtay, ka dibna inantii ugu horaysay u dhalatay. Shaqlan marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh Hililb leh (Buuran). Warla marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh aabaheed dhintay iyada oon dhalan, Hooyadeedna dhimatay markay soo dhalatay ka dib. Haldhaa marka gabadha loo bixiyo ,waxa ay ka turjumaysaa qurux.

Haldhaaga waxa la yidhaa Gorayada ka lab. Dhudi marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh dheer, qurux badan oo dhuuban. Jamaad iyo Jinnow marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa macaan. Jamaad iyo Jinnow waa markay caanaha geelu il-qaad noqdaan ama yara dhanaan. Xaadsan marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh nadiif ah. Degmo marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadha debeecad ahaan degan. Cambaro marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa reer inamo badan lahaa, oo bilaa Inan ahaa. Markaa gabadhii waa qaali oo Cambar ayey noqotay. Cutiya marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa cayilaad ama gabadh Buuran.Yusra marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh midab ahaan maariin ah. Dhool marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh midkeedu caddaan. Miido marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh nadiif ah. Miidku waa marka subuga la miiro ee uu nadiifta yahay. Xaali marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh dhaqankeedu fiican yahay. Intaasi haddii aynu ku dhaafno micnaha magacyada, bal aynu soo qaadano magacyo kale.

Barni, Raaxo, Miido, Jinnow, Qumman, Bullo, Carro, Halgan, Aragsan, Bayddan, Hogol, Jawaahir, Hufan, Dugsoon, Ceebla, Doonbiro, Koos, Cutiyo, Ardo, Ilwaad, Kaaba, Cosob, Geenyo, Naqwo, Asli, Cawo, Kinsi, Jamaad, Gobaad, Degmo, Magool, Nasteexo, Haweeya, Beer-lula, Luul, Yusur, Wacan, Tusmo, Suubban, Shuun, Xaadsan, Dhiimo, Warsan, Timiro, Saxarla, Shacni, Xoriyo, Udgoon, Xaali, Sareedo, Toosan, Siraad, Waris, Ladan, Hira, Qoran, Kaafiya, Cartama, Roon, Hoobaan, Muraayo, Istaahil, Ubax, Wiilo, Tiriig, Xamdi, Cawrala, Mullaaxo, Gargaara, Baar, Ugaaso, Dhool, Deggan, Amran, Cadar, Milgo, Johorad, Dhiin, Arliyo, Siman, Werdiyo, Bood, Cambaro iyo Salaado.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Ururinta iyo Macnaynta Magacyadan waxa door weyn ka qaatay. Cali Nuux Ducaale oo ah Qoraa dhaqanyaqaan ah iyo Nuur Xaaji Jilaal oo sugaanyahan ah oo labaduba degan Hargaysa.