Magacyada iyo deegaamada ay ka Soo jeedaan Xubno Somaliland u Dhashay oo lagu daray Xukuumadda Cusub ee Somaliya

Muqdisho (SLpost)- Raysalwasaaraha dhawaan la magacaabay ee Somaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa habeen hore saqdii dhexe ku dhawaaqay golihiisa Xukuumadda oo ka kooban Wasiirro, Wasiir-dawlayaal iyo Wasiir-ku-xigeenno.

Xubnaha loo magacaabay Golaha Xukuumadda Cusub ee Dalkaasi Soomaaliya oo ka kooban 25 Wasiir, Shan Wasiir-dawle iyo 25 Wasiir ku-xigeen, ayaa inta aanu aqoonsannay waxa ku jira Todoba xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo loo magacaabay jagooyin isugu jira Wasiirro iyo Wasiir-ku xigeenno.

Xubnaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee xilalka Wasiirrada ka helay Dawlada Somaliya, ayaa tiradoodu dhan tahay Shan xubnood, halka wasiir-ku-xigeennadu yihiin laba xubnood, kuwaas oo kala ah:

1. Ridwaan Xirsi Maxamed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Galbeedka Burco, ayaa loo magacaabay Raysal-wasaare ku-xigeen isla markaana Wasaarada Diinta iyo awqaafta, kaas oo beddelkeeda galay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ahayd raysal-wasaare ku-xigeen iyo wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumaddii hore ee Somaliya.

2. Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka soo jeeda gobolka Awdal, waxa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

3. Jaamac Axmed Maxamed (Oday), horena u ahaan jiray Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, balse markii uu shaqada ka tagay u dhoofay Muqdisho, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, waxaanu ka soo jeedaa Bariga magaalada Burco.

4. Daa’uud Maxamed Cumar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Sool, waxa loo magacaabay Wasiirka Macdanta.

5. Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Laasqoray, waxa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

6. Cabdalla Xaaji Cali oo hore u ahaan jiray Duqii degmada Berbera sannadihi Sagaashamaadkii, waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

7. Jamaal Xasan Ismaaciil oo ka soo jeeda gobolka gobolka Hawd gaar ahaan degmada Balligubadle, ayaa isna loo magacaabay wasiirku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

SOMALILANDPOST.NET