Magacyada iyo Codadka ay heleen Xildhibaannada Cusub ee ku soo baxay Golaha Deegaanka Laascaanood

Degmada Laascaanood
Degmada Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee heer Degmo, ayaa Arbacadii shalay shaaciyey natiijada hordhaca ah ee Codbixinta Golaha deegaanka ee degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Golaha Deegaanka ee degmada Laascaanood oo ka kooban 13 kursi, waxa ku soo baxay xildhibaanno 13 Xildhibaanno ka kala tirsan saddexda Xisbi ee UCID, Kulmiye iyo Waddani, kuwaas oo wadarta codadka ay heleen isku noqonayso 16,998 Cod.

Degmada Laascaanood
Degmada Laascaanood

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ku guulaystay 5 Kursi, halka Xisbiga ugu tunka weyn mucaaradka ee WADDANI ku guulaystay 5 Kursi. Sidoo kale, Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa helay 3 Kursi.

Xildhibaannada ku soo baxay Golaha Deegaanka degmada Laascaanood oo dhammaantood ah rag dhalinyaro u badan, ayaa magacyadooda iyo Tirada codadka ay kala heleen ee Guddiga Doorashooyinku shaaciyeen kala yihiin sida hoos ku qoran:

  1. Cabdirixiin Cali Ismaaciil Faarax, wuxuu helay 1,923 cod – Xisbiga WADDANI
  2. Khadar Cabdi Dubbad, wuxuu helay 1,822 cod – Xisbiga KULMIYE
  3. Jaamac Cabdiraxmaan Carraale, wuxuu helay 1,746 cod – KULMIYE
  4. Sakariye Ibraahim Jaamac Cali, wuxuu helay 1,562 cod – KULMIYE
  5. Cabdirisaaq Xasan Cabdi, wuxuu helay 1,386 cod. – KULMIYE.
  6. Faysal Nadiir Saleebaan Cismaan, wuxuu helay 1,319 cod. – WADDANI.
  7. Cabdiweli Daahir Maxamed Cali, wuxuu helay 1,264 cod – UCID.
  8. Axmed Maxamed Cumar Diiriye, wuxuu helay 1,153 cod. – UCID.
  9. Cabdiqaadir Maxamed Cabdi, wuxuu helay 1,095 cod. – WADDANI.
  10. Cabdilaahi Cabdirisaaq Aadan, wuxuu helay 1,088 cod. – WADDANI.
  11. Abubakar Axmed Dhalac, wuxuu helay 961 cod. – KULMIYE.
  12. Cabdirisaaq Axmed Cilmi Xasan oo helay 983 cod. – WADDANI.
  13. Tawakal Maxamed Geelle oo helay 696 cod. – UCID.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net