Magacyada, Beelaha iyo Tirada Codadka 25 Xildhibaan ee Ku guulaystay Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashada ee Degmada Hargeysa oo goor-dhowayd ku dhawaaqay tirada codbixinta, magacyada xildhibaannada ku guuleystay 25 kursi ee golaha deegaanka Caasimadda iyo sida ay kuraasida u kala heleen ururrada iyo xisbiyada.

Guddidu waxa ay tirada guud ee degmada Hargeysa ka codeysay ku sheegeen 227,746 (laba boqol todoba iyo labaatan kun, todoba boqol iyo afartan iyo lix).

Halkan ka akhriso magacyada xildhibaannada, tirada codadka iyo beelaha ay ka soo jeedaan.

KULMIYE

Waxa uu helay 61,584 cod

  1. Hanad Xaashi Axmed Caydiid = 5474 (Sacad Muuse/Reer Samatar)
  2. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) = 4455  (Sacad Muuse/R. Gadiid)
  3. Cismaan Xasan Faarax Shiil (Waxar) = 4151  (Sacad Muuse/R. Shirdoon)
  4. Eng Yuusuf Warsame Siciid Guuleed =  3793 (Sacad Muuse/R. Adxmed
  5. Axmed Siyaad Muxumed Giirre = 3625  (Ciidagale/Abokor Muse)
  6. Axmed Daahir Axmed Magan = 3484    (Sacad Muuse/Axmed-Cabdalle)
  7. Cabdi Cali Yuusuf Liibaan = 3265       (Sacad Muuse/Cabdalle Sacad)

 

UCID

Waxa uu helay 35,823 oo cod

  1. Maxamed Aw-Aadan Wayrax Geelle = 4477   (Ciise Muuse/R. Caddaawe)
  2. Khadar Ibraahim Axmed Maax = 3544   (Ciidagale/R. Hamud)
  3. Cabdicasiis Maxamed Xaashi Maxamed = 3003  ( Ciidagale/R. Aden)
  4. Maxamed Cabdi Aadan Yuusuf = 2266  (Ciidagale/R. Bilal)

 

WADDANI

Waxa u codeeyey 39,369

  1. Maxamed Warsame Caalin Axmed (Tima-cadde) = 5315    (Isaxaaq/Cabdalle)
  2. Cabdiqani Yuusuf Cabdilaahi (Ina Macalin) = 2969   (Isaxaaq/Cabdalle)
  3. Cabdilaahi Aadan Cali Yuusuf (Cabaas)  = 2902  (Isaxaaq/Ba Habar-kaliil)
  4. Cabdirisaaq Faarax Xasan (Qawdhan) = 2621    (Isaxaaq/Qaashin)

 

XAQSOOR

Waxa u codeeyey 33,366

  1. Saleebaan Daahir Cabdilaahi Raagsaale = 4558    (Arab/Samane)
  2. Cabdilaahi aw-Aadan Maxamed Cawl = 2899  (Arab/Guulane)
  3. Cabdilaahi Faarax Siciid Diiriye = 2719   (Arab/Reer Cali)
  4. Deeq Ducaale Cismaan Guuleed = 2364 (Arab/Af-yare)

 

UMADDA

Waxa u helay 25103 oo cod

  1. Axmed Cali Haybe Nuur = 3786   (Isaxaaq/Cabdalle)
  2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan = 2949  (H.Joonis/Sugule)
  3. Mustafe Cismaan Daahir = 2861   (Isaxaaq/Qaasin)

 

DALSAN

Waxa u codeeyey 20,060

  1. Cabdicasiis Aadan Habane (Sisto) = 3589  (Sacad Muuse/Reer Cabane)
  2. Fu’aad Saxardiid Caabi Yuusuf = 2499   (Sacad Muuse/Reer Samatar)   [Dib ayaa loo saxay Tirinta Codadka)   (Codad dheeraad ah ayaa la socday oo laga reebay)

2. Ilyaas Aw Xuseen Jaamac =  2027 (Sacad Muuse/Reer Liibaan)  [Xildhibaanka ku soo baxay]

 

RAYS

Waxa u codeeyey 11,865 qof

  1. Khadar Xuseen Cali Ismaaciil (Khadar Bohosha) = 1877  (Sacad Muuse/R. Gadiid). [Dib ayaa loo saxay tirinta Codadka]    (Codad dheeraad ah ayaa la socday oo laga reebay)

1. Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) = 1764 (H/Jeclo)  [Xildhibaanka ku soo baxay]

 

SOMALILANDPOST.NET