Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 27aad

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Qormadeenii 25aad ee shalay waxaynu ku soo aragnay  siyaabihii kala duwanaa ee ay masuuliyiinta  iyo hawlwadeenada wasaarada warfaafintu u arkayeen  ama u dareemeen baadhistii Hantidhawrku ka bilaabay wasaaradda warfaafinta 30/07/2012-ka.  Ayaa maantana waxa aynu si gaar ah qormadeenan ugu eegaynaa  waxyaabihii kala duwanaa ee  baadhistaa ka soo baxay iyo weliba noocyadii  musuq maasuqa iyo hanti lunsiga ahaa ee ay kashiftay   baadhistii Hantidhawrku            in ay wasaaraddaas ka jireen, kuwaas oo aynu qaarkood farta ku fiiqi doono.

Inkasta oo xaqiiqo ahaan marka la eego heerka ay gaadheen musuq maasuqa iyo xatooyada ka dhacday wasaaraddaasi mudadii koobnayd  ee uu Boobe xukumayey  ay   adag tahay   in si fudud loo tilmaamo ama la helo wax halbeeg iyo minqiyaas ah, oo   lagu cabiri karo   inta ay  dhamayd baaxadooda iyo qaradoodu. Ayaa waxaynu odhan karnaa waxay ahaayeen xatooyo iyo musuq maasuq aanu noocoodu weligiiba Somaliland iyo Soomaaliya toona ka dhicin.  Sidaas dateed xatooyada iyo wax is daba marinta ka jirtey wasaaradda warfaafinta ee baadhista Hanrtidhawrku ku sameeyey wasaaradaasi ay dibeda u soo saartay waa kuwo aanu caqliga Bani-Aadmigu qiyaasi Karin.  Arimaha  kale ee iyaga laf ahaantoodana baadhistaasuun lagu ogaaday,  ee waxaas oo dhanba ka cajebta badnaa waxay ahay ahaayeen xeeladahii iyo  farsamooyinkii kala duwanaa ee ay adeegsan jireen  xubnihii ku lugta lahaa  musuq maasuqa iyo wax is daba marinta ka jirtey warfaafintu marka ay wax lunsanayaan. Kuwaas oo iyaga qudhooduna ahaa farsamooyin  iyo xeelado musuq maasuq oo  weligeen iyo waaqeenba  aanay kuwo la nooc ahi  taariikhda hore  inoogu soo marin.

Taas aawadeedna maadaama xatooyada iyo musuqa warfaafinta ka dhacay  yihiin kuwo noocyo cusub oo aynaan hore u aqoonin ah, waxaa lagama maarmaan ah in aynu u helno eray bixin cusub iyo magacyo lagu garto, looguna yeedho.  Kolkaa iyada oo aan rajaynayo in eray bixintooda iyo magacyada cusub ee  loo bixinayaaba ay noqon doonaan kuwo dadweynaha u furan oo aad ka wada qayb qaadan doontaan. Ayaa  aniga oo idinla wadaagaya  arimahaas u magac bixintooda, haddii aan ku hor maro magac bixintaas waxaan odhan lahaa, aynu u bixino xatooyadii ka dhacday wasaaraddaas   “XATOOYO WADAREED”  sidoo kalena waxaan soo jeedinayaa in loo bixiyo musuq maasuqa nooca cusub ah ee  warfaafinta laga helayna magaca                “MUSUQ MAASUQII GIRAANTA” .

 Sababta aan magacyadaas ugu doorayna waxa weeye iyada oo magacyadaasi yihiin kuwo ka turjumaya siyaabihii kala duwanaa ee wax loo xadi jirey, waxna loo musuq maasuqi jirey. Tusaale ahaan marka aynu eegno xatooyadii ka dhacday warfaafinta, waxaynu arkaynaa in ay ahayd xatooyo dad faro badani ka qaateen ama ka qayb galeen. Taas jiritaankeedana waxa daliil u ah oo ka markhaati kacaya  lacagta lagu xadi jirey heshiiskii shirkada Thaicom inta ruux ee ku lugta lahayd, ama wax ka qaadan jirtey, kuwaas oo ahaa dad ilaa tobaneeyo ruux ku dhow. Markaa waxa halkaas inooga muuqata in xatooyada lacagtaasi ahayd xatooyo wadareed.

Waxaase Illaahay mahadii ah in maanta ay meesha ka baxday oo Qaranka loo badbaadiyey lacagtii lagu xadi jirey heshiishkii shirkada Thaicom ee uu Boobe joojintiisa diidanaa, isla markaana uu ku soo baxay magaca Matooyo wadareed. Kaas oo la joojiyey muddo yar uun dabadeed markii Boobe xilka laga qaaday.

Hadaba si aad indhihiina ugu aragtaan in heshiiskaa la joojiyey iyo lacagta Qaranka loo badbaadiyey ee heshiiskaa lagu xadi jirey waxaan midkasta dhawr page oo ka mid ah halkan idiinku soo bandhigayaa labada heshiiskii hore ee Thaicom iyo heshiiska cusub ee iminka lala galay shirkadaas, iyada oo aan qormooyinka dambe idiinku faah faahin doono waxyaabaha ay kula duwan yihiin labadaa heshiis. Waana kuwan labada heshiis oo sawirani.

 

La soco………………………….