Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon – Qormadii 24aad

Xidhiidhkii Qarsoodiga Ahaa Ee Dhexmaray  Boobe iyo Muftaax

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Qormadii 23aad ee qoraalladan taxanaha ah waxaynu socdaal tamashle iyo xaqiiqo raadis ah ku soo marnay  magaalooyinka Herer, Adis-Ababa iyo Dire-Dawa, kuwaas oo aynu ka soo helnay  xoggo  faro badan oo la xidhiidha     hagardaamooyin kala gedisan,  oo uu    had iyo jeer  Boobe u geysan jirey    halgankii dib u xoraynta dalka ee  mujaahidiinta ururka SNM.

Guddoomiyaha DAWAN

Hadaba iyada oo aynu qaybtii ugu horeysay    hagardaamooyinkaas kaga soo hadalnay qormadeenii 23aad. Ayaa  qormadan maantana waxa aynu halkii ka sii ambo qaadaynaa sheekadii ku saabsanayd xidhiidhkii qarsoodiga ahaa ee dhex maray Boobe saraakiishii ka tirsanayd sirdoonka Libiya. Waana tan sheekadii:-

Markii ay weftigii  ka socday ururka SNM  la kulmeen colonel Qaddaafi, ayaa Qaddaafi oo ahaa nin  kalidii-taliye ah oo aad u kibirsani waxa uu weftigii  ku yidhi“waxaanu maqalnay inaad tihiin jabhad gooni u goosato oo aad ku   xidhan tihiin dawladaha carabta ee dib-u-socodka ah sida Sucuudiga iyo kuwa kale ee la midka ah oo ay lacag idin siiyaan, taasina ay tahay   sababta aad u diidan tihiin inaad la midowdaan SSDF”

Sheekh Yuusuf oo ahaa nin aan libiqsan ayaa ka jawaabay hadalkaas  Qadaafi  waxaanu   u sheegay in aanay waxba ka jirin warkan SNM looga sheegay, waxaanu Qadaafi xusiisyey in isagaba ay warbaahinta reer Galbeedku  ku tilmaanto nin argagixiso ah (Irhaabi) warkan SNM looga sheegayna  uu la mid yahay uun daacaayadaha ay reer Galbeedku isagaba ka faafiyaan. Show  kaftanbaad sheegaysaaye Qaddaafi  hadalkaba laguma soo celiyo oo waa nin u bartay in nimanka madaxda u ah  Jabhaddaha uu caawiyo sida SSDF iyo kuwa la midka ahi ay isaga uun dhagaystaan.

Qaddaafi marka ay wada hadlayeen weftiga SNM wuxuu ku fadhiyey kursi  qurux badan oo  nooca wareega ah. Dabeeto markii uu maqlay hadalkii Sheekh Yuusuf ku yidhi intuu cadho cirkaa maray ayuu kursigii isku  wareejiyey xagal 180 degree  ah, oo  dhabarka u jeediyey wefdigii SNM-ta  ee horfadhiyey. Waxaabu iska daawaday Telefishan ag yaalay!!!!.

Wafdigii SNM markiiba waxay ka dareereen qolkii ay Qaddaafi kula shirayeen, waxaana muddo ka bacdi loo soo diray oo u yimid Ra’iisal wasaarihii Liibiya ee waqtigaa Cabdisalaam Galuud kaas oo Sheekh Yuusuf iyo raggii la socday ku canaantay qaabka ay ula hadleen hogaamiyihii Liibiya. Waxaanu ka dalbaday in ay Qaddaafi ka raaligeliyaan hadalkii ay ku yidhaahdeen.

Hase yeeshee weftigii SNM-tu  arintaa  ganafka ayay ku dhufteen, waxaanay  u sheegeen Ra’iisal wasaare Galuud in uu isagu (Qadaafi)  ku gafay oo aanay jirin sabab ay u raaligeliyaan ama ay hadalkoodii cudur-daar uga siiyaan.

Inkastoo ay waftigii SNM-tu  faro-madhnaan kala soo noqdeen Liibiya, hadana mawqifkii ay istaageen wuxuu noqday mid baal dahab ah kaga qorma taariikhdii halganka, isla markaana  arintaasi waxay Mujaahidiintii SNM ee furimaha  dagaalka joogtay iyo taageerayaashii ururka ee ku kala sugnaa dalka  gudahiisa iyo dibadiisaba ku abuurtay isku kalsooni buuxda, isla mar ahaantaana waxay  ku dhiirigelisay in ay sii laban laabaan halgankii ay kula jireen nidaamkii Siyaad Barre.

Hadaba waftigii  SNM ee berigaas  Liibiya tagay, waxa aad u jeclaa in lagu darro oo uu ka mid noqdo  xubnaha tegayey  Boobe Yuusuf Ducaale. Laakiin arintaasi Boobe umay suurtoobin laba arimood awggood. Waa mide Boobe muu ahayn nin aqoon sidaas ah u lahaa  ku hadalka luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga midkoodtoona. Waa tan labaade Boobe waxa uu ahaa nin si weyn u aaminsanaa nidaamkii shuuciyada iyo  mabaadiidii hantiwadaaga, kaasoo  uu Qaddaafi laf ahaantiisuna aaminsanaa xukuumadiisuna ku dhaqmi jirtey. Halka ay Sheekh Yuusuf iyo xubnaha kale ee xilligaas ugu sareeyey hogaaminta ururku ahaayeen koox lagu naanaysi jirey “Wadaadada” oo suufiyaal ahaa. Kuwaasoo shuuciyada iyo hantiwadaagaba ka xanaaqi jirey aadna u nebcaa. Sidaas darteed maadaama ay tegayeen Liibiya oo ahayd wadan shuuci ah, suurto-gal may ahayn in ay weftigooda ku daraan Boobe oo ay yaqaaneen in uu yahay nin shuuci ah. Boobe waxuu markaas dabadeed  ku talaabsaday arin aan dhaqan u ahaan jirin Mujaahidiinta SNM, waxaanu  xidhiidh qarsoodi ah la yeeshay nin Liibiyaan ah oo la odhan jiray Muftaax, kaasoo ahaa nin sarkaal ah oo safaaradii Liibiya ee Addis-Ababa u qaabilsanaa arimaha Militeriga iyo Sirdoonka. Ninkaasi waxa uu Boobe ka heli jirey macluumaad la xidhiidha arimaha SNM, isagana lacag buu siin jirey.

Boobena lacagta uu Muftaax ka soo qaato wuxuu u adeegsan jiray, inuu ku soo jilaabto xubno kale oo SNM ah oo ku soo biira shabakaddan uu madaxda ka yahay ee ay Liibiyaanku doonayeen inay SNM ka dhex samaystaan. Nasiib wanaag sirta shabadakadani waxay fashilantay markii ay qaar ka mid ah xubnihii SNM-ta ka tirsanaa ee uu Boobe  xidhiidhka la sameeyey si ay shebekadiisa ugu soo biiraan ay arintii kashifeen.

Masuulkii Safaarada Liibiya ee Addis-Ababa u qaabilsanaa arimaha sirdoonka Mr Muftaax oo ahaa ninkii uu Boobe la samaystay xidhiidhka qarsoodiga ah ee ku saabsan hagardaamaynta SNM. Waxaa  horaantii 1984-kii si toos ah afkiisa ugula hadlay Guddoomiyihii ururka SNM ee xilligaas Mujaahid Cabdiqaadir Koosaar oo si cadaan ah ugu sheegay in ay isaga iyo dawladiisuba faraha kala baxaan arrimaha ay ka dhex wadaan ururka SNM. Hadaladii uu Guddoomiyaha SNM  maalintaas    Muftaax  ku yidhina  waxa ka mid ahaa “hadaad Liibiyaanka tihiin faraha nagala baxa, anagu weligeedba lama  arkin  jabhad ay Liibiya caawiso oo guulaysata’e” Muftaax maalintaas ayaa SNM ugu dambaysay. SNM iyo SSDF-na  waligood may midoobin. Bishii August 1984 SNM waxay gudoomiye u dooratay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana ururku  galay marxalad cusub oo  hawlgaladii “Ku Dhufo  oo Ka Dhaqaaqda ahaa” loogaga gudbayo qaar lagu daciifinayo saldhigyadii Ciidamadii Faqashtu ku lahaayeen xaduudka  iyo hoostiisaba, sida dagaalkii Buuraha ee 1984, burburinta difaacyadii Qoolbuulale, Bali-Cabane, Duruqsi, Bali-Dhiig iyo weeraradii lagu qaaday talisyadii guutooyinka sida Taalo-Buur iyo Gumburaha Banka, hawlgaladaas Istaraatijiga ah oo dhamaantood la fuliyey 1986/1987 ilaa iyo intii la gaadhayey gudogalkii May 1988.

Sandkii 1985-kii ayay jabhadii SSDF gacantii Cabdilaahi Yuusuf ku bururtay oo ay saaxadii halganka ka baxday. Badhtamihii 1988-kii waxay ciidamadii ururka SNM ay ku guulaysteen inay 2/3 dhulkii Somaliland ay gacanta ku dhigaan.

Bishii January 1991 waxay mujaahidinta SNM guul kama dambays ah ka gaadheen halgankii hubaysnaa ee 10 sanaood soo wadeen.

Cabdilaahi Yuusuf wuxuu geeriyooday horaantii sanadkan 2012 isagoo laaji ku ah dalka Yemen halka Mucamar Al-qadaafi lagu dilay magaalada Sirt ee Liibiya dabayaaqadii sanadkii 2011 xiligaas oo uu kacdoon ka socday dalkaasi.

Lama oga halka uu hadda ku dambeeyey ninkii la odhan jiray Muftaax, laakiinse Boobe wuxuu dalka Somaliland soo gaadhay dhawr bilood ka dib markii ay mujaahidiinta SNM ay dalka wada xoreeyeen bishii January 199.