Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 20aad

Guddoomiyaha DAWAN

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Shalay waxaynu Qormadii 20aad ee maqaaladeenan taxanaha ah ku soo sheegnay. In Agaasimaha farsamadu wasiir Boobe uga waramay arimaha la xidhiidha musuq maasuqa baahsan ee ka jira wasaaradda warfaafinta. Isaga     oo si gaar ahna ugu sheegay  in  Tv-gu kow ka yahay meelaha ugu daran ee  musuq maasuqa ugu weyni ka jiro. Iyada oo uu weliba  si cad ugu tilmaamay wasiirka,  in heshiiska satellite-ka Thaicom bil kasta lagu xado lacag ka badan tobanaan kun oo dollar. Iyo in ay jirto shirkad aan cida iska leh iyo fadhigeeda midna la aqoonin oo lug weyn ku leh heshiiskaasi.  Waxa kale oo aynu qormadaa ku soo xusnay, in markaas dabadeed wasiir Boobe u yeedhay Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Tv-ga Xasan Maxamuud. Kuna amray in uu Agaasimaha farsamada ku wareejiyo wixii documents ah ee uu ka hayo heshiiska Thaicom iyo shirkada  aan la garanayn ee u dhaxaysa Tv-ga iyo shirkada Thaicom. Amarkaas oo uu Xasana aqbalay isaga oo aad uga xun.

Hadaba markaas ka dib maxaa dhacay? Agaasime Xasan Maxamuudse, ma fuliyey amarkii wasiirku siiyey? Arimahaas oo dhan waxa si fiican uga waramay Agaasimaha farsamada Axmed Saleebaan Weyne, isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Tv-gu markii uu wasiirku amarkaa siiyey isaga oo aad arkayso in uu aad uga xun yahay arinta la faray ayuu yidhi waa hagaag wasiir waan siinayaa. Aniguna wax yar ka bacdi ayaan xafiiskiisii ugu tegay isaga oo fadhiya, waxaanaan ka codsaday inuu I siiyo  documentiyadii  iyo macluumaadkii  uu  hayey, ee wasiirku ku amray inuu igu wareejiyo.  Hase ahaatee waxba igumuu  wareejinin, oo   markiiba   cudur daar buu iga hor keenay. Waxaanu igu yidhi maanta computer-kii baa iga cilladaysane, berito igu soo noqo markaas baan ku siin doonaaye. Taasna waan  ka aqbalay, waanan ka tegay. Dabadeena subixii  labaad ee uu yidhi igu soo noqo   ayaan hadana xafiiskiisii ugu tegay,  si aan  uga soo qaato documentiyadii  la faray inuu igu wareejiyo. Balse sidii maalintii hore oo kale ayuu maalintaasna la yimi mar marsiinyo iyo cudur-daar  kale. Oo waxa uu yidhi “maanta  Internet-kii baa   iga xunoo  emailkaygii  ayaanan furi karayn,   documentiyadiina halkaas bay igaga jiraane   barito  igu soo noqo”!!. Maalintaasna aniga oo faro madhan ayaan  ka tegay.

Dabadeedna markii la gaadhay   maalintii sadexaad ee uu Xasan qabsaday in uu wax igu wareejin doono.  Ayaa  waxaa dhacday goor subaxnimadii hore ahayd, oo   aanan weli Xasana  u tegin. Inuu wasiir Boobe xafiiskiisa iigu yeedhay. Ka bacdina wasiirku markii aan u tegay ee aan xafiiskiisa ugu galayba.  Isaga oo aan xitaa I salaamin ayaa  waxuu iga horkeenay amar ku saabsan in aan faraha kala baxo heshiiska Thaicom iyo shirkadii kale ee aan la aqooninba. Isaga oo oo uu si cad iigu yidhi “ Waxaan kuu sheegayaa in aad faraha kala baxdid arinta ku saabsan heshiiska satellite-ka Thaicom iyo weliba shirkadii kale ee aad lahayd cida iska leh lama garanayoba. Sidaas darteed maanta laga bilaabo labadaas arimood midna hawsheeda ma geli kartid, Xasana dib uma weydiin kartid”. Yaab iyo amakaag ayaa Illaahay ii keenay, wax aan ku hadlo ayaan garan waayey. Ugu dambayntiina waxaan ugu jawaabay wasiir marka horeba hawshaas anigu faraha iskalamaan geline adiga ayaa ii diray. Iminkana hadaad I tidhi faraha ka qaad waan aqbalay, amarkaasna waan qaatay.

 Mana jirin wax sabab ah oo uu wasiirku ii sheegay in uu sidaas u yeelay.  Waxaase markiiba halkaas iiga cadaatay wasiirka inuu Xasan iiga dambeeyey. Isla markaana  u   sheegay lacagtii  dulsaarka  ahayd, ee  bil walba sida musuq maasuqa ah loogu lunsan jirey   heshiiska Thaicom. Taasoo aan rumaysanahay inuu Boobe wixii markaas ka dambeeyey saami weyn ka qaadan jirey.  Waayo laga bilaabo maalintaas wasiir Boobe muu jeclaysan jirin, manuu ogolaan jirin in cidi soo hadal qaado  hawlaha satellite-ka  iyo heshiiska shirkada Thaicom.

Waxa kale oo run ahaantii  xusid mudan in wasiir Boobe laftiisu inoo cadeeyey sida uu u diidanaa, isla markaana uga soo hor jeeday joojinta iyo wax ka qabashada   heshiiska Thaicom. Waayo waxa uu inoo sheegay in  marar faro badan  loo soo jeediyey, oo weliba culays xoog leh iyo cadaadis faro badan lagu saaray. In uu  joojiyo heshiiska Thaicom. Isaga oo weliba si gaar ah oo cadaan ah  inoogu sheegay in Madaxweynuhu ku yidhi “Heshiiskaasi waa mid Qaranka dhiig bax ku ah ee inaga jooji”. Waxa kale oo uu Boobe  inooga markhaati furay in aanu marnaba garawsanin wax ka qabashada heshiiskaas. Waxaanu inoo sheegay in heshiiskaasi haa  mid uu saxeexay wasiir isaga ka horeeyey. Sidaas darteedna uu is weydiin jirey sababta horeba loogu joojin waayey ee  isaga loola sugayey joojinta iyo tir tirida heshiiskaas.

Halkaasna waxa inooga muuqata in hadalkaasi yahay mid daliil iyo markhaatiba ugu filan in ay jireen dan weyn iyo maslaxad gaar ah oo wasiir Boobe ugu jirey sii socoshada heshiiskaas xaaraanta ah ee hantida  ummada lagu dhacayey. Taasina waa mid mar labaad idiinka marag furaysa, oo si buuxda idiinku xaqiijinaysa. In khilaafka Boobe iyo Agaasimeyaashu ahaa mid ka dhashay sida indho  isku qabashada iyo jar iska xoornimda ah ee Boobe ula saftay, una difaacayey intii xaaraan quuteyaasha ahayd ee xalaashatay boobka dhaca hantida ummadda. Sidoo kale waa mid si dhab ah idiinku daah furaysa in wixii ugu weynaa ee Wasiir Boobe lagu eryay ahaa musuq maasuq iyo wax-is daba-marin.

La soco…………………………