Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii 19aad

Guddoomiyaha DAWAN

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Sida ay xusuusan karaan intiinii akhriday Qormadii 13aad ee maqaaladeenan taxanaha.  Waxaan qormadaas  idiinku soo sheegay.  In Wasiir Boobe ku hungoobay  qorshihiisii dhaca iyo hanti lunsiga ku dhisnaa ee  uu Madaxgtooyada u tegay, Suudhka quruxda badana u soo xidhay. Subaxnimadii    taariikhdu ahayd 02.05.2012. Markaas ka dibna uu cadhadii  iyo muraaradillaacii uu arintaas ka qaaday kula dul dhacay Agaasimaha waaxda farsamada ee wasaaradda warfaafinta. Kaas oo uu markiiba  telefoonka ku canaantay, kuna eedeeyey in uu ku lug lahaa, go’aanka ay   madaxtooyadu lacagta kaga joojisay. Hase ahaatee markii dambe uu Agaasimaha farsamadu wasiir Boobe xafiiskiisa ugu tegay, una sheegay in aanu isagu wax lug ah ku lahayn go’aanka madaxtooyada ee lacagta lagaga hor joogsaday wasiir Boobe. Hase ahaatee ay madaxtooyadu ka shakiday khaladaadka faraha badan, ee ku jira alaabta ku qoran  warqada uu wasiir Boobe madaxtooyada u gudbiyey iyo weliba faro badnaanta lacagta uu ku tilmaamay qiimaha alaabtaas. Sidoo kalena qormadii 17aad ee taxanaheenan waxaan idiinku soo sheegay in wasiir Boobe markuu arkay in Agaasimaha farsamadu hayo cadaymo buuxa oo aanu ka murmi Karin. Uu qorshihii  xatooyada iyo musuq maasuqa ku dhisnaa ee ka fashilmay, masuuliyadiisii ku eedeeyey Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Tv-ga Xasan Maxamuud iyo dhawr Agaasime oo kale, oo uu sheegay  in ay isugu markhaati fureen. In qalabkan si deg deg ah loogu baahan yahay iyo weliba in uu qiimaha qalabkaasi  yahay inta ku qoran warqada uu Madaxtooyada lacagta ku weydiistay. Isaga oo isla mar ahaantaana wasiir Boobe u sheegay Agaasimaha farsamada, in uu hore u maqli jirey intii aanu wasiirkaba noqonin in ay wasaaradda joogaan niman musuq maasuqa  iyo tuugonimada xarfaan ku ah, oo   uu ka mid yahay Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Tv-gu. Waa sida laga soo weriyey.

Waxa la yidhi “Muslinoow run sheeg, Muslinoowna uga qaado’e”. hadalkaas wasiirka Agaasimahu wuu rumaysatay, wasiir Boobena waxuu u qaatay nin daacad ah, oo ay khaldeen nimankaas Agaasimeyaasha ah ee uu tilmaamay. Markaas dabadeedna  Agaasimahu waxa uu ii sheegay in uu wasiirka  uga waramay wixii uu xog ka hayey  musuq maasuqa iyo wax is weydaarinta wasaaradda ka jira oo dhan. Sidoo kalena Agaasimaha farsamadu waxuu sheegay in uu wasiirka si cad ugu tilmaamay meelaha musuq maasuqu ka jiro ee hantida ummada lagu xado.

Iyada oo meelaha iyo arimaha gaarka ah ee uu Agaasimaha farsamadu  wasiirka farta ugu fiiqayna uu ka mid ahaa heshiiska shirkada Satellite-ka ee Thaicom. Agaasimaha farsamadu isaga oo iiga waramayey arimihii uu maalintaas wasiir Boobe uga xog waramayna waxa uu yidhi

“Waxyaabaha aan maalintaas wasiirka kala hadlay waxaa ka mid ahaa,   lacagta faraha badan ee satellite-ka lagu xado. Taasoo aan u sheegay in aanu wax ka qabashadeeda muddoba ku hawlanayn aniga iyo dhawr Agaasime oo kale, oo uu ka mid yahay Agaasimaha  Tv-ga ee qaaradda  Europe. Waxa kale oo aan u sheegay in aan aniga laftaydu sannadkan ilaa Thailand u tegay sidii arintaas wax looga qaban lahaa. Balse nasiib darrada nagu  dhacday ee  ay dedaalkayagii, waxba uga suurto-geli waayeen waxay ahayd iyada oo uu  maamulka lacagta iyo lacagta ee Tv-gu, ka gaws adaygay in wax laga qabto  arintan qaranka dhabar jabka ku ah. Maadaama uu si cad oo badheedh ah nooga hor yimid, una diiday in uu arintaas nagala shaqeeyo ama naga siiyo wixii macluumaad ah ee aanu uga baahano. Waxa kale oo aan maalintaas Boobe u cadeeyey in masuulka keliya ee heshiiska satellite-ka Thaicom wax ka ogaa, isla markaana documents-kiisa hayaa uu yahay Xasan oo qudha. (Xasan waa Agaasimihii maamulka iyo lacagta Tv-ga ee dhowaan Hanti-dhawrku xidhay, haatana damiinka ku jooga).

Wasiirka waxa kale oo aan u sheegay in ay jirto shirkad gacan-ku-rimis ah oo ku dhex jirta heshiiska Tv-ga iyo shirkada satellite-ka ee Thaicom. Waxaanan intaas u raaciyey in aan la aqoonin cida iska leh iyo meesha ay degan tahay toona shirkadaas gacan-ku-rimiska ahi. Waxa kale oo aan u caddeeyey in aan dhawr jeer oo kala duwan Xasan ka codsaday in uu I siiyo wixii macluumaad iyo xog ah ee uu ka hayo shirkadaas aan la garanayn ee u dhaxaysa T-v-ga Qaranka iyo shirkadaThaicom. Maadaama uu isagu ahaa qofka qudha ee joogay markii ay Tv-ga iyo Thaicom heshiiska wada gelayeen, oo ahayd wakhtigii xukuumadii Riyaale. Ugu dambayntiina waxaan wasiir Boobe qoraal ugu  gudbiyey warbixin ku saabsan wixii aan kala soo kulmay Shirkada satellite-ka ee Thaicom, berigii dhoweyd ee aan socdaalka ku tegay xarunta shirkadaas ee taala dalka Thailand. Wasiir Boobena markaas waxuu  garowsaday in wax cad  iyo xaqiiqo dhab ah ka hayo arimaha aan uga warameyey, ee aanay waxaygu malo awaal iyo ku-tidhi ku-teen ahayn”. Ayuu yidhi Agaasime Axmed Saleebaan.

Markaas ka dibna, sida uu sheegay Agaasimaha farsamadu wasiir  Boobe  waxa uu u yeedhay  Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Tv-ga Xasan Maxamuud. Waxaanu ku amray in uu  Agaasimaha farsamada ku wareejiyo wixii documents ah ee uu ka hayo shirkada aan xarunteeda iyo cida iska leh midna la aqoonin ee ku dhex jirta  heshiiska satellite-ka ee Tv-gu kula jiro shirkada Thaicom.

 Hase ahaatee, sida uu sheegay Agaasimaha farsamadu.  Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Tv-gu isaga oo ay ka muuqato in uu aad  uga xun yahay, oo aanu jeclaysan amarka wasiirku faray ee ku saabsan.  Inuu ku wareejiyo Agaasimaha farsamada wixii macluumaad ah ee uu ka hayo shirkada dilaalka ah  ee ku dhex jirta heshiiska satellite-ka ee T-vga iyo shirkada Thaicom ayaa waxa uu wasiirka ugu jawaabay waa hagaag wasiir waan siinayaa.

La soco ………………………………….