Magacaabistii Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon ~ Qormadii- 14aad

Guddoomiyaha DAWAN

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Waxaase Boobe ka maqnayd, oo aanu taladaba ku darsan qorshihiisii in uu fashilmay. oo ay madaxtooyadu ka war heshay khiyaamadiisii. Waayo waxa uu ka war hayey  in aanay jirin cid kale oo isaga iyo saaxiibkii la ogayd,  in ay Madaxweynaha lacag weydiisteen. Taas awgeed madaxtooyada waxa uu soo galay isaga oo kalsooni buuxda ku qaba, in isla markaaba farta laga saari doono jeeg ay ku qoran tahay lacagtii uu dalbaday. Sidaas darteed markii uu madaxtooyada galayba, isaga oo aan dhinacna u leexan waxuu toos u abaaaray xafiiskii uu jeega ka doonayey. Hase ahaatee hawlwadeenadii xafiiskaasi waxay ku wargeliyeen in markii hore loo diyaariyey jeegii lacagtu ugu qornayd, hase ahaatee markii dambe la hakiyey. Boobena waxa uu markaas ku jawaabay. Oo  waayo maxay tahay sababta jeegayaga loo hakiyey?, ma waxaad u jeedaan Madaxweynihii baan weli saxeexin?. Waxaase loo sheegay in aanay arintu sidaas ahayn. Balse  sababta loo joojiyey jeegaasi  ay  tahay.   Madaxtooyada oo ogaatay in aanay jirin wax baahi ah,  oo aad wasaarad ahaan u qabtaan soo iibsiga mishiinka weyn ee aad  lacagtiisa u socotid. Boobe  isla markiiba hadalkaas aad buu uga naxay, oo maqalkii ay dhegahiisu maqleen ayaa waxuu ku noqday falaadh mariid leh oo wadnaha kaga dhacday. Sababtoo ah waxa u cadaatay in uu qorshihiisii fashilmay. Hase ahaatee si aan loo fahmin inuu khiyaamo wadey, oo uu lacagtaas dhacayey.  Waxuu go’aansaday in uu masuuliyiintii madaxtooyada kala hor yimaado  xoog leh, oo ku saabsan in ay jirto baahi weyn oo ay wasaaradda warfaafintu u  qabto mishiinkaas. Taas aawadeedna waxuu ku dooday in ay  idaacadda cusubi u baahan tahay laydh aad u xoog badan. Isla mar ahaantaana aanay ku shaqayn Karin mishiin ka awood yar  midka ay soo dalbadeen. Waxa markaas ka bacdi isaga la su’aalay in ay jirto cid arimahaas aqoon u leh, oo uu  kala tashaday mishiinka idaacadu u baahan tahay nooca uu yahay iyo awoodiisu inta ay le’egtahay. Waxaanu ku jawaabay in ay wasaaradda joogaan niman Injineero iyo dab-yaqaano ahi, isla mar ahaantaana ay nimankaas wasaarad ahaan arinta uga soo wada tashadeen. Isaga oo intaas raaciyey in weliba   nimankaas Injineerada iyo  khibradleyaasha ah, oo uu ka mid yahay Agaasimaha waaxda farsamadu. ay soo qoreen macluumaadka iyo faah faahinta mishiinka loo baahan yahay, ee ku filan idaacada cusub. Waxaanu intaas ku sii daray in xitaa qiimaha la siiyo mishiinkaas iyo alaabta kale ee warqada kula qoranba ay iyagu u soo gudbiyeen. Ka dib markii ay la xidhiidheen qaar ka mid ah Company-yada waaween ee sameeya alaabtaas, iyo weliba dad reerDubaiah, oo  sida ay ii sheegeen qolada farsamadu, iyaga laf ahaantooduna u soo qiimeeyey sicirka ay alaabtuDubaika taagantahay. Hase ahaatee inkasta oo   danta iyo ujeedada rasmiga ah ee uu Boobe, waxaas oo hadal ah isu dab-dhigayey oo dhami ahayd.  In  uu qolada Madaxtooyada isu tuso in uu yahay nin daacad ah, oo ay dhab ka yihiin waxyaabaha uu ku doodayaa. Markaas dabadeedna loogu ogolaado lacagtii uu doonayey ee laga joojiyey. Hadana ma jirin  sida runtu tahay  wax keliya, oo ay Boobe waxaas oo hadal iyo muran ahi uga tareen hadafkii uu ka lahaa. Sabatuna waxay ahayd dadka uu wax u sheegayey oo ahaa, dad isaga uga war roonaa waxa uu uga waramayey. Wayo madaxtooyadu waxay si fiican uga war haysay xaqiiqada dhabta ee arimaha uu ku doodayey oo dhan. Tusaale ahaan waxay ogayd in aanay jirin wax baahi ah oo idaacadu u qabtay mishiinka weyn iyo alaabta kale ee uu soo dalbadayba. Waxa kale oo ay madaxtooyadu haysay in qiimaha rasmiga ah ee la siiyo alaabta uu ku soo qiimaystay boqolaalka kun ee dollar yahay mid ka yar $50,000 oo dollar. Sidoo kalena Madaxtooyaddu waxay gacanta ku haysay warbixin qoraal ah, oo uu u soo gudbiyey Kambanigii Shiinaha ahaa ee idaacada  inoo sameeyey. Kaas oo warbixintiisuna  ahayd  mid si cilmi ah uga waramaysay idaacada iyo waxa ay u baahantahay oo dhanba, sida laydhka ay  ku shaqaynayso awoodiisu inta ay tahay. Qaybaha ay kooban tahay iyo  waxii  kasta ee shaqadeeda lagama maarmaan u ahba.  Iyada oo arimahaas  ahaayeen kuwii marka horeba keenay in Boobe laga hor joogsado lacagtii faraha badnayd ee uu soo dalbaday.

Si kastaba ha ahaatee,  ugu dambaystii waxa Boobe loo sheegay in ay jirto warbixin ka soo baxday xafiiska Agaasimaha waaxda farsamada ee wasaaradda warfaafinta, taasoo sheegaysa in wasaaaradda warfaafintu haysato lix mishiin dab dhaliyeyaal ah. Isla markaana ay mishiinadaasi dhamaantoodba yihiin kuwo awood ahaan ku filan idaacada cusub, oo ay ku shaqayn karto. Maadama ay sidaas tahayna wax baahi ah oo loo qabo, in mishiin kale oo qaali lacag laguu bixiyo.

Sidaa daraadeed Aw Boobe markii intaas  lagu yidhi,  intuu aad u naxay, oo uu markiiba jidhkiisii oo dhamina  wada dhidid hooraya noqday. Ayuu si deg deg ah albaabka u boobay, isaga oo aan cidna juuq dambe u odhan. Maxaa yeelay  waxa u cadaatay in wax walba la ogyahay, oo aanay jirin wax u qarsooni. Maadaama uu arkay in ay ku beenowday arintii uu ku doodayey ee ahayd. In uu la tashaday Agaasimaha waaxda farsamada ee wasaaradda iyo rag kale oo khubaro ah, dhamantoodna ay u sheegeen in aanay mishiinkaas iyo qalabka kale ee warqada kula qoran la’aantood idaacadda cusubi shaqayn Karin. Markaas dabadeedna iyadda oo aanu  aniga iyo Agaasimihii farsamadu weli ku suganahay barrxadii madaxtooyada ee uu Boobe markii hore nagu sii  dhaafay. Ayaa waxaa irrida hore ee dhismaha  xafiisyada madaxtooyada ka soo baxay ninkii Boobe oo labada cagoodba dhulka jiidaya, xaaladiisana uu  Illahay uuni ogyahay sida ay tahay. Anigu sidii aan markii horeba isaga qariyey  si la mid ah ayaan  isaga qariyey. Iyada oo aan markan dhex galay dhawr qof oo wada taagnaa meel nagu dhoweyd. Inkasta oo aan filayo   markan in aanu iba arkeen xitaa haddii aan halkaygii iska taagnaan lahaa. Waayo isaga oo luudaya, oo aan mar keliyana hareerihiisa jalecin ayuu na ag maray, oo intuu na dhaafay siduu u sii socday baabuurkiisii galay. Albaabkana ka baxay.

La soco………………………………